War Cusub: Beesha Awrtable ” WALIGAA INTA WIIL KUU DHASHAY MA KA NAXDAY. WAXAA SIDAASI AH AHMED MADOOBE”.

0

baaqBeesha Yusuf daarood Awrtable oo canbaaraysay maamulka Jubalaand.
” WALIGAA INTA WIIL KUU DHASHAY MA KA NAXDAY. WAXAA SIDAASI AH AHMED MADOOBE”

Waagii hore markii wiil kuu dhasho,waa lagu farxi jiray,markii Dowlad dhalato waa lagu farxi jiray, laakin hadda waa laga naxaaa,waxaas oo dhana waxaa u daliil ah,hadda Ummadda dadka Xilka u ahaya ama u qabta dad aan aqoon dhaqan ka iyo wax dadka ka dhaxeeya aqoon,waxaa taas u sii dheer Aqoon la’aan degeen

Aan u daa-daggo Dulacda Qoraalkaan waxaa dhacday in ay Dowladii dhexe ee dalka sharaftiisa iyo karaamadiisa Gacanta ku haysay in ay Bur-burtay,Bilawgii 1991,waxaa dhacday in Shacabka Soomaaliyeed uu la kulmaan dhib,dayac,daruuf adag, iyo waliba wax kasta oo ay haysteen oo farahooda ka baxay.

Waxaa dalka isku dhiibay Nin aan Xishoon iyo mid ka tirsan Maafiyadda addunka,Soomaalida waxay ku maah-maah-daa,Raad Arooryo Dib looma raaco,wixii dhacay waa dhaceen oo maantay qof ay ka qarsoon tahay ma jiro.

Aan ku hor maro aqoon la’aanta Beelaha Soomaaliyeed ee dagga Gobolka Jubbada Hoose,Oday dhaqan markii la yiraahdo waxaa wax lagga waydiin jiray,AHN Ciise kaarshe oo dhalay Abwaan ka Soomaaliyeed ee AHN Careys Ciise kaarshe,Waxaa ku xiggay, xaaji Jimcaale oo aad looga yaqaanay Gobolka,Waxaa la wareegay AHN Carta xaaji Jimacaale,Waxaa intii uu kacaan ku jiray wax laga wayiin jiray Caaqil Mohamed Muumin Cumar rug cadaa siyaasi iyo Ganacsade ahaa,haddana ah.

Waxaan jira Haddii dal ama deeggeen hormar ku tilaabsado waxaa u sabab u ah waa ganacsiga iyo Shirgadaha,waxaa filayaa ninka maantay kismaayo jooga in uu og yahay dadka ganacsiga ku haysta ama shirkaddaha ku haysta in beesha Yusuf daarood No.1 tahay, haddii aysan No.2 ahayn,waxaa taas sii dheer markii Maamulak Jubba-land la Dhisaayey dadkii ugu horeeyey ee ka jawaabay dhaqaalihii loo baahnaa markaas.

Maantay Haddii la yiri’ Jubba-land oo aan naqaan in aysan marna helin gayaankeedii,daris la noqotay dhib iyo isku hardan u dhaxeeya dad wada dhashay oo isku Soomaali ka soo jeeda. waxaa dhacday in loogu dhawaaqay maamul Goboleed kii ugu Horeeyey ee la dhihi lahaa wax buu saxayaa,NASIIB DARO, Waxaa dhacday in uu kala garan wayey Dhaqankii soo jireen ka ahaa ee Gobolkaas ka jiri-jiray.

Maggaalada Jamaame 1920+1995 Yaa wax lagga waydiin jiray?? iyo Maggaalada Kismaayo,Su’aashaas waxaan filayaa in uusan ka jawaabi karin madaxweynaha Jubbaland ee Axmed Madoobe,waxaana taas markhaanti ka kacaysa Sida uu wax u qaybshay iyo suusan dadka iyo Deegaan ka u kala aqoon.

Beesha Yusuf daarood oo Jecel Soomaalinimo,Dowladnimo iyo isku duubni,waxay aad ugu Xumatay dhawaan wasiiradii uu Maamulka Jubba-land ku dhawaqay ee ku noqotay lama filaan iyo argagax.

Haddaba markii ay arrintaas maqashay kuna aragtay Saxaafadda waxay yeelatay shir telefoon Confrance ah.waxay wax iska waydiisay arrinatsaa waxay soo saartay baaqaan.

Waxay baaq u dirayaan maamulka Jubba-land iyo dhamaan dadka Deegaan ka Jubba-land Degga,waxay ka Codsanaysaa in Dib loogu noqdo qaybta uu ku deg degay Maamulka Jubaland.

Beeshu waxay Ummadda Soomaaliyeed ee la daala dhacaysay Mudda badan Dhibka,Dayac iyo daruufo badan in uu Alle ka saaro.

Cali Cabdulle ismaciil (Cali Caymis)
 Af-hayeen ka Qurba joogta Beesha Yusuf Daarood.
Email: aliaymis@hotmail.com
Tel: +442035389598

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com