Hadal Heeynta Maanta:R/wasaare Cabdiweli Sheekh Ma Waxuu Yeeli Doonaa Waxuu Diiday R/wasaare Saacid, Mise Isaguna Waa Uu Diidi Doonaa?

0

cabdiweli sheekh2Ka Dib magacaabista R/wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa dadka Soomaaliyeed ee gudaha iyo dibeddaba inta wanaagsan iyo inta xunba durbaba waxa ay sida caadaduba ahayd u dhaqaaneen Falanqaynta R/wasaaraha cusub iyada oo goobaha ay ku kulmaan dadka koox koox u doodaya leeyskuna weeydiinayay su’aalo adag dhoowr ah oo mararka qaarkood aad isleedahay dadkan doodaya ameey isfeeraan amaba gacan isula tagaan su’aalahaas ayaa waxaa ka mid ahaa.

R/wasaare Cabdiweli Sheekh ma isaga oo u madax banaan ayaa soo dhisan doona golihiisa Wasiirada mise waa loo yeerin doonaa oo waxaa soo xulanaya golaha wasiirada cusub urur diimeedka Damu Jadiid, su’aasha kale oo ay dadku isweeydiinayeen waxaa ugu muhiimsaneed Golihi Wasiirada Xukuumadi R/wasaare Saacid Wasiiradi Damu Jadiidki ahaa iyagi miyuu dib u soo magacaabi doonaa?

Waxaa kale oo ay bulshada Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan isweeydiinayaan R/wasaare Cabdiweli Sheekh Ma Waxuu Yeeli Doonaa Waxuu Diiday R/wasaare Saacid, Mise Isaguna Waa Uu Diidi Doonaa?

Soomaalidu waxa ay ku maah maahdaa “Wareer Cawo Waa Loo Waaberiistaa” anoo taa ulla jeeda R/wasaare C/weli Sheekh Axmed waxa uu xilka R/wasaarenimo hayaa wax ka yar 24 saac waxaan bulshada Soomaaliyeed intooda waxgaradka ah kula talinayaa in waqti la siiyo uu ku gaaro inuu soo magacaabo golihiisa wasiirrada oo uu ku hor shaaciyo Baarlamaanka si uu kalsooni ugu helo golhiisa Wasiirada, markaa ka dib wax halaga yiraahdo waxuu la soo shir tago, balse hala joojiyo R/wasaare Saacid waxuu diiday ayaa waxaa qaadanaya R/wasaare C/weli Sheekh sababtoo ah weli lama arag lamana maqal Golaha Wasiirada ee uu la imaan doono R/wasaare C/weli Sheekh Axmed.

Dhinaca kale durbaba sida caadada ahayd Warbaahinta Damu Xukun, Damu Damaaci iyo Damu Anaga ayaa waxa ay faafiyeen eedeeymo sida aan filayana aan loo heeyn cadeeymo muuqdo oo la taaban karo eedeeymahaas oo ay ka mid ahayd, R/wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed waxa uu ka tirsan yahay urur diimeedka Damu Jadiid, waxaa hubaal ah waayahan dambe inay Soomaalida Qaarkood tuuraan hadalo aan loo meel dayin,islamarkaan ujeedkooda dadku si wanaagsan uga dharagsan yahay, tusale hadaan u soo qaato  hadii ay run noqoto in R/wasaare Cabdiweli uu ka tirsan yahay Damu Jadiid maxaa ku jaban? ileen Madaxweynihi iyo Wasiiradi ayaa ah Damu Jadiide, Sidoo kalen 184 Xilmadhibaan oo Damu Lacag ah ayaa Baarlamaanka fadhiya, haddaba soo faduul ma,ahan in la arki waayo Madaxweynaha, Wasiirada iyo 184-ta Xilmadhibaan ee Damu Lacagta ah ee la arko uun R/wasaaraha in uu yahay Damu Jadiid? Soo arintu noqon meeyso Damu Jadiid ayay baratay’e waa haddii leeyga Damu Jadiid Bato, Maxaase ku daba dhigay Damu Jadiidkeeyga, Soomaalida waxa kale oo ay ku maah maahaan “xaafad waxa ay xaafad kale ugu gudubtaa waa faduul” Damu Jadiidkiina, Damu Lacgiina, Damu Xukunkiina, Damu Damaacigiina iyo Damu Anagadiinaba, ma doon doonanee maxaa idin daba dhigay kaayaga, hadii la sii wadana soo arintu noqon meeyso dagaal biloowgi waa saan u gartay’e.

Isku soo wada duuboo waxaan ummada Soomaaliyeed ugu baaqayaa waa inaysan deg degin islamarkaana sugaan inta R/wasaare Cabdiweli Sheekh uu soo xulanayo amaba sidaad jeceshihiin hadaan idiin raaco loogu soo xulayo golihiisa Wasiirada kana horkeenayo Baarlamaanka ay fadhiyaan Xilmadhibaanada Damul Lacag, waxaa kale oo sidoo kale ugu baaqayaa Warbaahinta Damu Xukun, Damu Damaaci iyo Damu Anaga inay joojiyaan wararka aysan u heeyn cadeeyta ee ay ummada Soomaaliyeed u soo tabinayaan, haddi ay sii wadaana ummada Soomaaliyeed waxa ay u arkayaa xaqiiqdi “Goormaa Laga Tagay Warkaas” Dadkaaga Dhinac Ka Raac sidoo kalena Damu Jadiid Raac ama Dalka Ka Guur.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com