War Deg Deg Ah: Col Cabdi Madoobe Oo Hadda Lagu Dilay Kismaayo

0

breaking-400x216Kismaayo(AGGM) Bartamaha Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubadda hoose waxaa hadda lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsan maleeshiyaadka Raaskambooni,waxaana la sheegayaa in sarkaalkaasi lagu dilay gurigiisa hortiisa isla markaasna la dhaawacay qaar ka tirsan ilaaladiisa.

Col Cabdi Madoobe ayaa ka mid ahaa Saraakisha Maleeshiyaadka Raaskambooni ee ku sugan magaalada Kismaayo,waxaana dilka marxuumkan ku soo aadayaa xilli dhawaan Magaalada Kismaayo Maleeshiyaadka Raaskambooni kaga dhawaaqeen waxay ku tilmaameen Wasiiro.

Habeen ka hor ayeey ahayd Markii Bartamaha Magalaada Kismaayo lagu Dilay labo kamid ah Saraakisha ilaalada Wasiirka Arimaha Bulshadda maamulka Jubba Macalin Maxamed ibraahin Walow mid kamid ah uu ahaa Sargaalka ugu sareeya istaafka Macalin maxamed.

Kooxda dilkan fulisay ayaa la sheegayaa inay ka baxsadeen goobtii ay dilka ka fuliyeen,waxaana la sheegayaa inaysan jirin cid ilaa iyo hadda loo soo qabqabtey dilka Sarkalkaasi oo ahaa sarkaal ka tirsna saraakisha Maleeshiyaadka Raaskambooni ee ay horboodaan Axmed Madoobe & Isbatoore Fartaag.

Ugu dambeyntii Waxaa la aaminsan yahay inay dilkaasi fuliyeen Maleeshiyaadka Alshabaab oo weeraro ba,an inta badan la beegsada Xarumaha ciidamada Amisom iyo kuwa Maleeshiyaadka Raaskambooni. Mana jiraan ilaa iyo hadda cid sheegatey dilka Marxuumkaasi.