R/wasaaraha Cusub Ee Soomaaliya Mudane C/wali Sheekh Axmed Oo Hadda Lagu Dhawaaqayo.

0

abdiweli sheekhMuqdisho (AGGM): Wararka naga soo gaaraya xarunta Villa Soomaaliya ayaa waxa ay sheegayaan in dhawaan lagu dhawaaqayo R/wasaaraha Cusub ee Soomaaliya Mudane C/wali Sheekh Axmed.

Waxaa hadda gudaha Villa Soomaaliya ka socda Xaflada ku dhawaaqista R/wasaare C/wali Sheekh Axmed.

Goobjooge ku sugan xarunta villa Soomaaliya oo ay hadda ka socoto xaflada ayaa waxa uu u xaqiiijiyay Warbaahinta allgalgaduud media.

Mudane C/wali Sheekh Axmed ayaa waxa uu ka soo jeeda beesha Sade, waana aqoonyahan mudo 20 sano ah ka soo shaqeenayay Islamic Bank, waa nin bartay dhaqaalaha, waxa uuna kaba baxay jaamacada dalka Soomaaliya.

Wixii kasoo kordha warkan kala soco Allgalgaduud Media

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com