War Deg Deg Ah: Raysalwasaaraha Cusub Ee Soomaaliya Oo Loo Magacaabey Cabdiweli Shiikh Axmed Maxamed

0

breaking-400x216Muqdisho(AGGM) Madaxweynaha Jamhuuuriyadda Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud ayaa ku dhawaaqey in uu baarlamaanka u gudbinaayo Cabdiweli Shiikh Axmed in uu noqdo Raysalwasaaraha cusub ee baddalaaya Saacid, kadib markii uu wadatashiyo badan sameeyey.

Xafladda ku dhawaaqidda raysalwasaaraha cusub ee Soomaaliya waxaa goobjoog ka ahaa Xildhibaano iyo Raysalwasaaraha la magacaabey Cabdiweli Shiikh Axmed Maxamed

Cabdiweli ayaa muddo ku noolaa dalka Kanada waxaana uu haystaa dhalashada dalkaas, Jaamacaddii Gahayr ee Soomaaliya ayuu ka soo baxay, waxaana uu takhasus ku sameeyey dalka Kanada isaga oo sii watey maadadiisi Dhaqaalaha, muddo dheer waxa uu ka shaqeynaayey Bangiga Hormarinta ee Islaamka dalka Sucuudiga, sidoo kale waxa uu ka soo shaqeeyey bangigii Soomaaliya iyo urur goboleedka IGAD. GAD.

Cabdiweli Shiikh Axmed ayaa ku dhashey magaalada Baardheere ee gobolka gedo waxaana aabihiis loogu yeeri jirey Shiikh Axmed baardheere, waxaana uu dhashey sanadkii 1959, waxa uu ku hadlaa luuqadaha Ingriiska, Talyaaniga iyo Carabiga.

Sawirka R/wasaaraha Cusub Ee Soomaaliya Mudane C/weli Sheekh Axmed Maxamed
cabdiweli sheekh axmed

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com