Dhageyso + Sawiro: Khudbada Ra’isulwasaaraha Cusub Soomaaliya Mudane C/weli Sheekh Axmed.

0

cabdiweli sheekh2 Muqdisho (AGGM): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sh. Maxamuud ayaa maanta wuxuu ku mmagacaabay Xeer Madaxweyne LR.133   Raisul Wasaara cusub ee Soomaaliya mudane Abdiweli Sh. Ahmed.

Madaxweynaha ayaa wuxuu yiri” Waxaan magacaabay Cabdiweli Sh. Ahmed oo aan aaminsanahay in uu yahay shaqsiga ugu haboon shaqadaan oo dib u dhiska dalka iyo ka soo kabashada dhaqaalaha sii wadi kara. Waayo aragnimo waxuu u leeyahay dhaqaalaha iyo horumarka oo uu hay’ado caalami ah soo hoggaamiyey.

“Iyadoo ay jiraan caqabdo fara badan haddana waxaan aad ugu kalsoonahay inuu Cabdiweli muddo gaaban ku sameyn doono isbedel dhanka  dowlad wanaaga ah. Waxaana ka codsanayaa Baarlamaanka inay kalsooni siiyaan iyadoo loo eegayo danaha shacabka iyo dalka Soomaaliyeed.

“Waxaan markale u mahadcelinayaa Ra’iisul Wasaarihii hore Mudane Cabdi Farah Shirdon oo shaqo wanaagsan soo qabtay, una rajeynayaa guul. Maanta waa inaan labo jibaarnaa dib u dhiska hay’adaha dowliga ah oo aan isbedello la taaban karo si dhaqso leh u sameynaa oo aan dhaqangelinta federaalka iyo sidii doorashooyin lagu gaari lahaa 2016 aan ka wada shaqeynaa.”

Ra’isulwasaaraha cusub ee Dalka Mudane C/weli Sheekh Axmed Maxamed oo isaguna khudbad ka jeediyey Munaasabadda lagu magacaabay ayaa uga mahad celiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud kalsoonida uu ku magacaabay waxaana uu tilmaamay inuu Alle ka rajeynayo inuu u fududeeyo waajibaadka horyaala.

Sidoo kale khudbaddiisa ayuu Ra’isulwasaaraha la magacaabay Mudane C/weli Sheekh Axmed Maxamed ayaa khudbadiisa ku faah faahiyey waxyaabaha uu qorsheynayo inuu qabto marka uu helo codka kalsoonida Baarlamaanka oo ay ugu horeyso dib u dhiska dalka,sii xoojinta xiriirka ay Soomaaliya la leedahay dalalka caalamka iyo adkeynta amniga Dalka.

Sida uu qabo dastuurka Ra’iisul Wasaaraha la magacaabay waa inuu helaa kalsoonida Xildhibaannada Golaha Shacabka.

Halkan Guji Kuna Dhageyso Mobilkaaga..

Halkan Ka Dhageyso Raisulwasaaraha Cusub

cabdiweli sheekh2

cabdiweli sheekh1

abdiweli sheekh

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com