Dhageyso: Dagaal Beeleed Ka Dhacay Gobolka Hiiraan.

0

dagaal6Baladweyne (AGGM): War goor dhow naga soo gaaray Magaalladda Baladweyne ee Xarunta Gobalka Hiiraan, ayaa sheegaya in goor dhow uu Dagaal beeleed ka dhacay Deegaanka Kabxanleey oo la sheegay in ku dhawaad 30-KM u jirto Magaalladda Beledweyne.

Dagaalka ayaa dhex maray Laba Maleeshiyo beeleed maalmahaani halkaasi isku ugaarsanaayay, waxaana inta la ogyahay Dagaalkaasi ku dhintay 11-Ruux oo isugu jira Maleeshiyada labada dhinac iyo dad shacab ahaa.

Sidoo kale, warka halkaasi naga soo gaaraya ayaa sheegaya in Rasaasta ay isu adeegsanayeen Maleeshiyadaasi, ay gubeen Tuulada Kabxanleey ee Gobalka Hiiraan.

Isku soo wada duuboo Lama Oga sida uu xaalka noqon doono waxaana halkaasi weli gaarin Ciiddamadda Dowladda iyo Maamulka Gobalka Hiiraan.

Halkan Guji Kuna Dhageyso Mobilkaaga…

Halkaan Ka Dhageyso Warka

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com