Yaa Dalka Badbaadin Kara,Shacabkana Hanan Kara, Waa Dr Cabdiwaxid Cilmi Goonjeex.

0

C_GoonjeexMuqdisho(AGGM) Saacadihi la soo dhaafay waxaa gudaha iyo dibedda dalka Soomaaliya laysla dhexmarayey in xilka Raisalwasarenimo ee dalka soomaaliya loo dhibayo Mudane Cabdiwaaxid Cilmi Goonjeex oo ah Masuul aad looga wada yaqaano dalka Soomaaliya isla markaasna xilal kala duwan ka soo qabtey dawladihii soo maray dalka Soomaaliya.

Dr Cabdiwaaxid Cilmi Goonjeex ayaa ah nin lagu yaqaano daacadnimo,wadatashi,xilkasnimo & aqoon eebe ku manaystey,waxaana uu yahay nin horseedi kara in dhibaatada dalka soomaaliya ku soo jirey mudada ka badan 23 sano ka saari kara,Cabdiwaaxid Cilmi Goonjeex waxaa uu xilal muhiim ah ka soo qabtey xukumadihi dalka soo maray,waxaana uu ahaa masuul shacabka soomaaliyeed wada jeclayeen.

Dr Cabdiwaaxid Cilmi Goonjeex waa lagu yaqaano inuu dhegeysto fekradaha kala duwan ee iska soo horjeeda si u miisaano xaqiiqda dhabta ah ee ka taagan dalka Soomaaliya,waxaana lagu yaqaan inuu yahay nin jecel dadka danyarta inuu gargaaro isla markaasna jecel inuu waxqabadkiisu noqdo mid miro dhal ah.

Dr Cabdiwaaxid Cilmi Goonjeex waxaa uu hore u soo noqday wasiirka Beeraha ee Dowladii Carta ee uu madaxweynaha ka ahaa C/qaasim Salaad Xasan , wuxuu sidoo kale Raisalwasaare kuxigeen & Wasiirka Tamarta  Gaadiidka Cirka & dhulka ka Soo noqday Xukuumadii Cumar C/rashiid ee uu Madaxweyne  ka ahaa Shiikh Shariif Sheekh Axmed khibradaas Siyaasadeed ka sokow Goonjeex ayaa ah Siyaasi aan lugaha marnaba kala bixin siyaasada Soomaaliya, taasna waxay siisinaysaa khibrad dheeraad ah oo u Sahli karto gudashada waajibaadkiisa shaqo iyo inuu horsed u noqdo isbadal balaaran oo ka hano qaado Soomaaliya.

Magaalada Muqdisho shacabka ku dhaqan ayaa muujinaya in hadii xilkaas loo dhiibo Dr Cabdiwaaxid Cilmi Goonjeex uu sahli karro inuu dalka ka baxo dhibaatada ku jirta iyagoo sheegay in xilligii uu ahaa ku simihi  Raisalwasaaraha kmg ah ee dawladii Shiikh Shariif markii uu xilka ka dagey Cumar Cabdirashiid uu qabtey waxyaabo badan oo ay ka mid yihiin dagaaladii Alshabaab lagula galay qaybo ka mid ah Muqdisho.

Ugu dambeyntii Shacabka Soomaliyeed ayaa shaacinaya inay rajo wanaagsan leedahay Soomaliya hadii xilka Raisalwasarenimo xilligan loo magacaabo Cabdiwaaxid Cilmi Goonjeex oo hadda la saadalinayo inuu ka soo baxayo xilka Raisalwasaarenimadda dalka Soomaaliya,waxaana la saadaalinayaa in maalmaha soo socda lagu dhawaaqo inuu noqdo Raisalwasaaraha rasmiga ah ee Soomaaliya yeelanayso.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com