Nicholas Kay “Ammaanka Soomaaliya Waxa Uu Noqon Doonaa Mid Lamid Ah Caalamka”.

0

Nicholas-Kay.Muqdisho (AGGM): Sarkaalka ugu sareeya Qaramada Midoobay dalka Soomaaliya ayaa sheegay in dalka Soomaaliya uu u baahan yahay hab siyaasadeed horumarsan, meletari si wax looga qabto arimaha amaanka dalka Soomaaliya, kadib warbixin uu siiyay golaha amaanka ee magaalada Muqdisho.

Nicholas Kay, oo muuqaal kaga qeyb galay shirka golaha amaanka ayaa sheegay in hayadaha dowlada Soomaaliya bilihii lasoo dhaafay ay ku abuureen kalsooni dheeraad ah, taasi oo uu sheegay inay aheyn kuwo qaldan.

“Somalia waxay ahaan doontaa wadan xasiloon gobolka iyo caalamka, marka la xoojiyo hayadaha dowlada, ayna imaado la xisaabtan iyo ciidamo aqoon wanaagsan leh kuwaasi oo ka hor taga caqabadaha si loo maareeyo daqliga iyo siyaasada Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in go’aankii baarlamaanka ay qaateen 2 December ayna xilka kalsoonida kala laabteen xukuumadii Saacid, taasi oo ka dhigneyd tijaabada baarlamaanka iyo in la helo iyaga oo xoog leh.

Muhiimada ayuu sheegay in iminka ay tahay in la hergiliyo dowlada cusub, taasi oo isku keenta Soomaali una abuurta waxay u baahan yihiin, sida horumarinta amaanka, shaqada iyo adeegyada dadweynaha, ayuu yiri Mr Kay.

Dhanka kale waxay dharbaaxo weyn ku tilmaameen iscasilaadii gudoomiyihii Bangiga dhexe Yusra Abraar, laakiin waxaa ay sheegeen in loo baahan yahay in la keeno gudoomiye cusub oo iyaga badalaya.

“Marka hore, baahida loo qabo dib u heshiisiinta qaran oo heer degmo u kala gudba. marka labaad dhameynta dastuurka cusub, marka seddexaad, doorashada ka dhacda guud ahaan dalka sanadka 2016 oo noqoneysa muddo 50 sano kadib ayaa muhiim ah”sidasi waxaa yiri sarkaal sare oo ka tirsan QM.

Mr Kay ayaa sheegay in dhamaan waxyaabahaasi in qaramada midoobay ay kordhin doonto taageerada ay siineyso dowlada Soomaaliya si horumarkaasi loo gaaro.

Ugu dambeyntii xoghayaha guud ee qaramada Midoobay ban Ki-Moon ayaa ka dalbaday deeq bixiyaasha caalamka inay ka dhabeeyaan balanqaadyadii ay ku sameeyeen magaalada Brussels ee dalka Belgium-ka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com