Top News: Xalay Ka Dhacay Magaalada Kismaayo Oo 50 Qof Loo Xiray.

0

WarbixinKismaayo (AGGM): In ka badan 50 qof ayaa lagu soo xiray howlgal ay maleeshiyada Raaskambooni xalay ka sameeyeen agagaarka suuqa Aargada ee magaalada Kismaayo, halkaas oo xalay kooxo hubaysan ay ku dileen mas’uul ka tirsanaa maamulka dekedda Kismaayo.

Horjoogaha nabad-sugidda maleeshiyo beeleedka Raaskambooni, Macallin Jamaal Cumar Maxamuud ayaa sheegay in howlgalka laga sameeyay suuqa Arrgada, isla markaana lagu soo qabtay dad looga shakiyay in ay ku lug leeyihiin dilka Macallin Axmed oo ka tirsanaa waaxda canshuuraha ee dekedda Kismaayo.

Horjoogaha ayaa intaas ku daray in baaritaanno lagu samaynayo dadkii lagu soo qabtay howlgalka, isla markaana ay ku jiraan xabsiga magaalada Kismaayo.

Isku soo wada duuboo Macallin Axmed ayaa la dilay xilli uu ka soo baxay masaajid uu ku tukaday salaaddii Maqribka, waxaa sidoo kale la sheegayaa dadkan la xir xiray inay yihiin dadka aan ku heybta ahayn maleeshiyo beeleedka Raaskambooni.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com