War Cusub + Dhageyso: Beesha Tanade Daarood Oo Qaadacday Warkii Ka Soo Yeeray Magaalada Kismaayo.

0

top-newsWar-Saxaafadeed: Beesha Tanade  Daarood’Leelkase’ oo ka Mid ah Beelihii udub Dhexaadka u ahaa  Nabadii iyo Dibu Hashiisiintiin Beelaha Dega Gobolada Jubooyinka Waxay Naqdiday  Hakad Galisay  inay  Taageero  Go’aankii Lagu magcaabay  Wasiiradii Maamulka Jubba ee dhawaan looga dhawaaqay Magaalada  Kismaayo.

Beeshu Waxay ku Baaqaysaa  in Dib loo eego Awood Qaybsiga  Maamulkaasi  isla markaana latex Galiyo Beelihii  Cudud , iyo Dhaqaaleba ku Garab taagnaa Dhismaha  Maamulkaasi.

Beesha Marnaba Horseed uma Noqon karto in Colaad iyo Cadaalad Daro  loo Hor-Boodo Beelaha Walaalaha ah ee ku Midaysan Dhismaha  Maamulkaasi.

Beesha Tanade Daarood’waxay  Baaq u diraysaa Madaxda Jamhuuriyadda Dowlada Somaliya oo Qayb weyn ku Lahayd  Taaba Galinta Maamulka Jubba inay soo Fara-Galiso  Awood- Qaybsiga  iyo Xalinta Khilaafyada Beelaha  Degan Jubooyinka.

Halkan Guji Kuna Dhageyso Mobilkaaga…

Halkan Ka Dhageyso Warsaxaafadeedka Beesha Leelkase

Afhayeenka Beesha
Iid Mohamed  Shire
+254712953107-  Nairobi

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com