Alshabaab Oo Xasuuq U Geystay Askar Kiiniyaan & Qaar Ay Nolol Ku Ka Xaysteen

0

Breaking_NewsKismaayo(AGGM) Weerarkan oo ka dhacay Waqooyiga Bariga Kenya gaar ahaan Magaalada Libooya oo 18 KM u jirta Xuduudka Soomaaliya ayey Kooxo Hubaysan waxey ku dileen Sideed Qof oo Kenyaan ah oo ay ku jiraan 5 Askari, waxeyna dhaawaceen 5 kale.

Sida ay shaacisay Wakaalada Wararka ee AFP, waxaa la Afduubtay oo la la’yahay Afar Sarkaal oo kale,waxaana la aaminsan yahay inay kooxda Alshabaab ee weerarkaasi fuliyey hore u sii kaxaysteen saraakishaasi.

Booliskaan ayaa la sheegay in ay ka imaadeen Xerada Dhadhaab una socdeen Magaalada Liiboy,kooxda Alshabaab ayaa la aminsan yahay inay weerarkaasi fuliyeen isla markaasna ay doonayaan inay khalkhal galiyaan amaanka goboladda gudaha dalka kiiniya

Sarkaal ka tirsan Booliska Kenya oo lagu magacaabo Samuel Arachi ayaa Wakaalada Wararka AFP u sheegay in aysan wali cadeyn cida ka dambeesay Weerarkaani. Liboy waa Magaalo ku taalo Dalka Kenya, waxeena 18km u jirtaa xuduudka Soomaaliya, magaalada Liboy waxee ka middtahay, meelaha ee Somalida dhibaateesan u soo qaxaan.

Ugu dambeyntii waxaa weerarkan maanta imaanayaa xilli uu Masuul ka tirsan Xarakada Alshabaab sheegay inay weeraro ka fulinayaan gudaha wadamada ciidamadoodu ku sugan yihiin gudaha Soomaaliya,waxaana weerarkan u eg yahay mid ay Alshabaab ku muujinayan awoodooda ciidan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com