Top News+Dhageyso: Gudoomiyaha Degmada Garbahaarey Oo Ka Warbixiyay Dagaalo Ka Dhacay Deegaanka Birta Dheer Oo Hoostaga Degmadaasi.

0

WarbixinGarbahaarey (AGGM): Guddoomiyaha degmada Garbahaareey Iimaan Cadow Kaarshe ayaa ka warbixiyay Dagaalo ay Ciidamadda dowladda Soomaaliya oo garabsanaya ciidamada  Ahlusunna Waljamaaca ay ku qaadeen deegaanka Birta dheer oo hoostagta Degmada Garbahaareey oo ay gacanta ku hayeen falaagada Al Shabaab.

Iimaan Cadoow Kaarshe ayaa waxa uu sheegay in Ciidamadda shalay galinkii hore ay weerar ku qaadeen deegaanka Birta Dheer ayna ka cayriyeen maleeshiyaadka falaagada argagixisada ah ee Al Shabaab.

“Deegaanka Birta Dheer ee weerarka lagu qaaday ayaa waxa uu degmada Garbahaareey u jiraa masaafo lagu sheegay 18 KM halkaasi oo ay fariisin ku  lahaayeen maleeshiyaadka falaagada Ururka Al Shabaab.

Halkan Guji Kuna Dhageyso Mobilkaaga…..

Halkan Hoose Ka Dhageyso Iimaan Cadow Kaarshe

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com