Top News: Beelo Horey U Dagaallamay Oo Lagu Heshiisiiyay Magaalada Caabudwaaq.

0

caabudwaaq1Caabudwaaq (AGGM): Kulan ay qaban-qaabiyeen culimada degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa shalay lagu heshiisiiyay beelo horey u dagaallamay, dadna isaga dilay gobolka.

Madaxa arrimaha bulshada ee degmada Caabudwaaq, Khaliif Cabdisamad Cali ayaa sheegay in mid ka mid ah beelaha heshiiyay oo horey nin looga dilay ay dalbatay in mag la siiyo, la iskuna afgartay in qeyb ka mid ah magta la bixiyo maanta, halka inta kalana loo ballamay mar kale.

Kulanka ayaa waxaa ka qeybgalay maamulka degmada, culimo, mas’uuliyiin ka tirsan beelaha dadka iska dilay iyo xubno ka socday qaybaha bulshada.

Beelaha heshiiyay ayaa ballan-qaaday adkeynta heshiiska dhex-maray iyo ka shaqeynta nabad ku wada-noolaashiyaha.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com