Top News: Howlgal Lagu Sugayay Amniga Oo Laga Sameeyay Magaalada Caabudwaaq.

0

caabudwaaq1Caabudwaaq (AGGM): Howlgal lagu xaqiijinayo ammaanka ayay ciidamada dowladda federaalka ah ee gobolka Galgaduud shalay ka fuliyeen gudaha degmada Caabudwaaq iyo waddooyinka gala.

Madaxa arrimaha bulshada maamulka dowladda ee degmada Caabudwaaq, Khaliif Cabdisamad Cali oo la hadlay Warbaahinta gudaha ayaa sheegay in howlgalka ay ku soo qabteen ilaa afar ruux oo hubaysnaa.

Wuxuu intaa ku daray in howlgallo dheeri ah ay samayn doonaan si loo adkeeyo ammaankeeda.

Maleeshiyada al-Shabaab ayaa ku sugan qaybo ka tirsan gobolka Galgaduud, iyadoo maamulka dowladda ee gobolka uu had iyo jeer sheego inuu ka feejigan yahay amni-darro ay maleeshiyada horseeddo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com