Dagaal U Dhaxeeya Ciidamada Ahlu Sunna Iyo Falaagada Al Shabaab Oo Ka Dhacay Gobolka Gedo.

0

SANYO DIGITAL CAMERAGarbahaarey (AGGM): Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in dagaal culus uu dhaxmaray ciidamada Ahlu Sunna Waljameeca iyo xoogag ka tirsan Al-shabaab, kadib markii ay Ahlu Sunna weerar ku qaaday saldhigyo ay degnaayeen Al-shabaab.

Afhayeenka Ahlu Sunna Wal-jamaaca ee gobolka Gedo Sheekh Max’ed Xusseen Isxaaq Al-Qaaddi ayaa Bar-kulan u xaqiijiyay dagaalka oo ka socda halka loo yaqaano Birta-dheer oo 15 km u jira magaalada Garbahaarrey ee gobolka Gedo.

Al-Qaaddi ayaa sheegay in dagaalka uu billowday kaddib markii ciidamada Ahlu Sunna ay weerareen deegaanka oo ay ku sugan yihiin dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.

Afhayeenka ayaa sheegay in dagaalka uu weli socdo, lamana xaqiijin karo inta uu la eg yahay khasaaraha ka dhashay dagaalka.

Dhinaca kale, shan qof ay ku dhaawacantay madaafiic saaka ku dhacay magaalada Buurdhuubo  ee gobolka Gedo.

Gobollka Gedo waxaa ku ku wada sugan ciidamo ka tirsan kuwa dowladda, Ahlu Sunna iyo Al-shabaab oo maamusha qeybo ka mid ah gobolka, waxaana inta badan ka dhacay dagaallo u dhaxeeya dhinacyada iska soo horjeeda.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com