Daawo Sawirada: Tiradii Ugu Badneed Abid Arday Somaliyeed Oo Ka Qalin Jabiyay Jamacada UUM Ee Dalka Malaysia.

0

ppTiradii Ugu Badnee abid arday somaliyeed ee Mar qura ka wada qalin jabiya mid ka mid ah jamacadaha ugu wayn dalka Malaysia ayaa waxa ay ka qalin Jamacada University Utara Malaysia “UUM”, Ahna jamacada ugu badan ee soo saarta waxna ay ka bartaan somalida ugu badan ee dalka Malaysia wax ka barta .

Ardayda qalin jabisay oo garaysay ilaa 40 arday ayaa waxa ay dhameesteen waxbarashada heerkeeda kowaad oo ay soo wadeen mudo afar sanadood ah, waxay ka qalin jabiyeen qaybaha kala duwan ee culumta laga barto jamacada Siiba Cilmiga Dhaqalaha .

Ardayda qalin jabisay oo aad u faraxsanaa ayaa mar ay ka hadlayeen faaidada waxbarashada waxay ugu baaqeen in dhamaan dhalinyarada ay muhiimada kowaad siiyaan waxbarashada si ay dalka iyo dadkaba wax ugu qabtaan.

Mid Ka Mid Ah ardaydaan qalin jabisay oo lagu magacabo Abdul qadir Isaaq Abdirahman “Obama” oo la hadlay warbahinta qaranka ayaa aad ugu amaanay warbahinta qaranka sida ay fursada ugu siisay in uu ka hadlo dareenkiisa, wuxuuna ugu baaqay dhamaan dhalanka somaliyeed in ay u istaagan u adeegida dalkooda iyo dadkooda jahligana ay la dagalaman.

Qalin jabinta ardaydaan ayaa ku soo adaysa xilli sanad walba ay tiro arday somaliyeed ah ay ka qalin jabiyaan jamacadaha kala duwan ee dalka malaysia, waxaana sanadka gabo gabada ku dhaw loo caleemo saaray sanadkii ay ardayda ugu badan abid ay ka qalin jabiyeen jamacadaha kala duwan ee dalka Malaysia,  waxaana  inta badan lagu tilmaama ardayda somaliyeed kuwa kaga horeeya ardayda kale ee ajaanibta ah xaga aqoonta iyo wax qabashada, aadna ugu nugul la dhaqanka bulshada ay ku dhex nool yihiin.

67981_654982524521989_1354683062_n 1470418_461654293940759_994264258_n fff g gggg hhhh p pp ppp pppp sax sss ssss pppppp

Mohamed Abdirahman Ismail “Timo”
University Utara Malaysia.
Mahamed09@gmail.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com