Xog Xasaasi Ah: Shariif Sakiin Oo Loo Magacaabayo Wasiir Wasaarad Muhiim Ah.

0

shariif sakiinMuqdisho (AGGM): Illo wareedyo ka agdhow-dhow Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalia, ayaa Warbaahinta Allgalgaduud media  u xaqiijiyay in Dowladda Federaalka ay wado qorshe cusub oo ay xil ugu magacaabi doonto Xildhibaan Shariif Xassan Sheikh Aadan oo kaalin fiican ka qaatay riditaanka Ra’isul wasaarihii hore ee Somalia C/faarax Shirdoon Saacid.

Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa waxa uu horay dhowr mar kulamo kala duwan ula qaatay Xildhibaan Shariif Xasan Sheekh Aadan, waxa uuna u ballan qaaday Xil waa haddii uu isu soo aruuriyo Xildhibaanada Digil iyo Mirifle oo iminka la aaminsan yahay inay rideen Ra’isul wasaarihii hore ee Somalia Shirdoon, waxa uuna iminka Shariif Xassan u fadhiyaa u magacaabida xilka uu u ballan qaaday Madxaweynaha.

Xildhibaan Shariif Xassan, ayaa waxa uu hadda kasoo baxay ballantii kala dhexeysay Madaxweynaha ee aheyd in leeysugu tago si loo rido R/Wasaare Shirdoon, waxa ayna Illa wareedku ay hoosta ka xariiqayaan in Shariif Xassan laga dhigi doono sadex wasaaradood  midood oo kala ah Wasiirada cusub ee lasoo dhisi doono, iyadoona laga yaabo in loo magacaabo wasiirka Maaliyada, Beeraha ama midka Gaadiidka cirka iyo dhulka

Si kastaba ha ahaatee, Xildhibaan Shariif Xassan ayaa waxa uu hadda ka dhowr sugaaya Madaxweynaha Somalia, waxaana la filaaya inuu ka dhex muuqan doono Golaha Wasiirada ee iminka lasoo dhisaayo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com