Macalimad Ugaandees Ah Oo Lagu Dilay Magaalada Muqdisho.

0

WarbixinMuqdisho (AGGM): Mid ka mida macalimiinta ajnabiga ah ee ka howlgala  Jaamacada Soomaaliya ayaa kooxo hubaysan waxaa ay ku toogteen Gudaha Suuqa Bakaaraha ee Magaalada muqdisho.

Macalimada ayaa la sheegay in iyada iyo macalimiin kale oo saaran Gaari ay gudaha suuqa bakaaraha kooxo hubaysan ka dajiyeen Gaari Rasaasna ay la dhaceen, iyada oo markii hore dhaawac noqotay ayaa waxaa loola cararay isbitaal Jaamcada oo ku yaala Degmada Howlwadaag.

Macalimadan la dilaya oo u dhalatay dalka Uganda ayaa Leile Napulia ayaa jaamacadaan macalimad ka ahayd tan iyo Sanadii 2011 waxaana ay jaamacada ka dhigi jirtay Maadoyin dhowr ah oo la xariira dhanka maamulka iyo ganacsiga.

Jaamacada Soomaaliya ayaa haweeney ajanabi ah oo lacture ka jeedinaysay lagu dilay isla sanadkaan gudahiisa lagu dhaawacay iridka jaamacadaasi.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com