Dhageyso + Akhriso: Horjoogaha Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni Oo Ku Dhawaaqay wax Lagu Sheegay Inay Yihiin Wasiiro.

0

Breaking-NewsKismaayo (AGGM): Xaflad kooban oo ka dhacday xarunta ciidamada maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ee Magaalada Kismaayo ayaa waxaa looga dhawaaqay Wasiirada kamid noqonaya Maamulka maleeshiyo beeleedka Raaskambooni.

Afhayeenka Maleeshiyo beeleedka Raaskambooni C/naasir Seeraar Maax ee Magaalada Kismaayo oo ayaa warbaahinta u aqriyay wax lagu sheegay inay yihiin Wasiirada maleeshiyo beeleedka Raaskambooni  Axmed Madoobe uu ku dhawaaqay.

1 Horjooge ku xigeenka labaad ee Maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ayaa waxaa loo magacaabay Suldaan C/qaadir lugadheere.

1:Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Axmed Cabdi Xafiid

2:Wasiirka beeraha Xoolaha iyo kaluumaysiga Maxamed Aadan Jaamac

3:Wasiirka Bulshada Maxamed Ibraahin Maxamuud (Macalin Maxamed)

4:Wasiirka caafimaadka iyo fayo dhowrka Xasan Daahir Yaroow

5: Wasiirka qorsheynta iyo xiriirka caalamiga Maxamed Nuur Iftiin (Shambala)

6: Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga Maxamed Warsame Faarax (Darwiish)

7: Wasiirka maalIyada Maxamed Sheekh Yuusuf Cumar oo loo yaqaano Abuu Yuusuf.

8: Wasiirka Macdanta biyaha iyo Bii’ada Cabdi Nuur Cali Aadan.

Isku soo wada duuboo Waxaa jiro kuwo kale oo lagu sheegay iyaguna inay yihiin Wasiiro kale iyo Wasiiro ku xigeeno iyo Agaasimayaal aan wali la magacaabin balse la sheegay in dhawaan lasoo magacaabi doono, balse waxaa ah wax lagu farxo oo guul ah dhabarjabka soo gaaray kooxihi uu ku awr kacsanayay Axmed Madoobe.

Halkan Hoose Ka Akhriso Riyo Beenaadka Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni

faalso

Halkan Hoose Ka Dhageyso34

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com