Dilka Xildhibaan Faysal Iyo Doorka Caasimadnimo Ee Muqidsho. W/Q.Daahireeto Sheekh

0

Sawirka-Xildhibaan-FeysalShalay oo taariikhdu tahay 06/12/2013. waxaa qarax la soo maleegay lagu khaarijiyey Xildhibaan ka tirsan barlamaanka Soomaaliya laguna magacaabo  Maxamed Warsane Maxamed oo ku magac dheeraa Faysal ( Alaah janadii haka waraabiyo)  ,Xildhibaanku wuxuu ka soo jeedaa Puntland.. xildhibaan Faysal  oo aan aqoon shaqsi ah u leeyahay waxaan ku tilmaami karaa wadani, indheergarad firfircoon, geesi iyo codkar aan bareerihiisa la gaban.

wuxuu ahaa aqoonyahan ka soo qalin jebiyey jaamacad ku taal dalka Sudan, wuxuu ahaa gudoomiyaha gudiga arimaha bulshada barlamaanka Soomaaliya. wararku waxay sheegayaan in qarax loogu xiray gaarigii uu watay ama dhulka loogu aasay uu kula qarxay  iridka hore ee  Villa Soomaaliya (Madaxtooyada).

Xildhibaan  Faysal dad badan oo aan horey u aqoon ayaa bartay xilligii lagu guda jiray loolankii siyaasadeed ee u dhexeeyey Madaxweynaha iyo Ra’iisal warsaaha Soomaaliya, isagoo hormuud u ahaa xildhibaanadii ka soo horjeeday mooshinkii ka dhanka ahaa xukuumadii Saacid, Xildhibaan Faysal doodo badan oo uu ku difaacayey xukuumadii la riday ayuu ka galay warbaahnita gudaha iyo dibadaba, waxaase ugu xiiso badnaa dood uu maalintii jimcihii hore ka  kaga qayb galay idaacada VOA.

Doodaas oo uu u muuqday inuu kaga guulaystay xildhibaankii ka soo horjeeday, ayuu meelo badan ku taabtay, waxaa ugu weynaa  qodobada uu tooshka ku ifiyey in Kooxda Damul jadiid ay doonayso in ay dallka afgenbi ku qabsato , iyo inuu ka cabsi qabo in sidii barlamaanki Masar midka Soomaaliya uu kala tago, sidoo kale wuxuu sii sheegay inuu qabo cabsi dhinaca amniga  oo ahayd in amaanka xubnaha barlamaanka uu welwel ka qabo (dabcan naftiisa ayaa ugu horeysa) wuxuuna si gaar ah farta ugu fiiqay ciidanka sirdoonka ee loo yaqaan Gaashaan (Alfa group).

Doodaasi markii ay dhamaatay ayaa nin aan saaxiib nahay oo dooda ila dheysaney wuxuu yiri “Walee :”Muqdishu caasimad dadka u dhexaysa ayey u soo ekaanaysaa mar haddii sidan furan loogu wada doodayo” waxaan saxiibkay ugu jawaabay “Ciidanka Amisom ayaa lagu joogaa Muqdishu ee habeen laguma hoydeen, waxaana hubaa inaan Muqdishu weligeed noqon doonin caasimad Soomaalida u dhexaysa sidii ay beri ahaan jirtay”.

Saaxiibkay oo  maanta i soo wacay ayaa ii qiray in sidii aan sheegay ay run noqotay balse wuxuu ii raaciyey Amisomti aad sheegaysay xattaa way ku fashilantay in ay sugto amaanka xildhibaanada.

Falkan guracani wuxuu imaanayaa  saddex  beri ka dib rididii xukuumadii Saacid iyo hal asbuuc ka dib doodi fooda la isdaray ee VOA. iyo sidoo kale maalin ka dib qarax xoogan oo ka dhacay suuqa bartamaha Bosaso iyo mid kaloo ka dhacay Kismaayo.

YAA DILAY XIL. FAYSAL?
Sawirka-Xildhibaan-Feysal

Marka aad maqasho dad ayaa qarax lagu dilay Muqdishu ama Soomaaliya  waxaa markiiba maskaxdaada ku soo dhacaya Al shabaab ayaa ka dambaysa, balse waxaa dad badani aaminsan yihiin in qaraxyada khaarijiska ah iyo dilalka qorshaysan aysan dhamaantood wada fulin Al shabaab xattaa haddii ay sheegtaan mas’uuliyada falalkaas. iyadoo aan meesha laga saari karin in Al shabaab ka dambaysay dilka Xil. Faysal haddana ifafaalahu waxay muujinayaan in sirdoonka Villa Soomaaliya uu falkan fuliyey ama ugu yaraan oo ku lug leeyahay. Soomaalidu waxay ku maahmaadaa “nin weyni wedkii dili lahaa waa yaqaan“.

Xil. Faysal intii uu noolaa ayuu Idaacad caalami ka sii afeeftay isagoo af buuxa u sheegay meesha waranku kaga soo socdo oo ah sirdoobka Villa Somalia ee Alfa group. waxaa la oran karaa wuuba ogaa inuu dhinaca aakhiro u badan yahay oo dardaaran cad ayuu inooka tegay isagoo inoo sii asteeyey meesha  madaxiisa laga raadin doono haddii tii Alle u timaado.

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in hanjabaad afka ah iyo mid fariimo ahba loogu sheegay xildhibaanka in  si deg deg ah loo khaarijinayo muddadii uu socday loolankii madaxweynaha iyo xukuumadii Saacid. anigoo aan doonayn inaan sameeyo eedayn siyaasadeed ( political accussation) ayaa haddana waxaa cad in Xil. Faysal intii uu noolaa  uu farta ku sii fiiqay  cidda dili doonta taasoo cadayn waafi ah noqon karta.

Dhinaca kale waxaan ognahay inuu jiro isku dhexmilan ciidanka amaanka Muqdishu iyo Al shabaab iyadoo ciidanka amaanku dad ku dhex leeyihiin Al shabaab halka Al shabaab dad ku dhex leedahay ciidanka amniga taasoo suurta gal ka dhegaysa in qorshaha dilka xildhibaan Faysal ay iska kaashadeen Al shabaab iyo  ciidanka amaanka Muqdishu, waxaanna wada xasuusanaa in dawlada Soomaaliya iyo Al shabaab iska kaashadeen dagaalkii ka dhanka ahaa  Jubbaland taasoo ay Qaramada MIdoobay warbxin ku cadaysay (cadawgaaga cadawgiisu waa saxiibka).

Al shabaab iyaga dhexdooda ayaa sirdoonka Soomaaliya mararka qaar isu adeegsadaan iyadoo inta badan falalka lagu khaarijiyey qaar ka mida madaxda Al shabaab loo adeegsaday rag Al shabaab ah balse labadoorle ( double agent) ahaan ula shaqeeya sirdoonka Soomaliya. Markaas cidda fulinta ama gacanta falkan leh muhiim ma aha  balse waxaa muhiim cidda soo abaabushay.

Waxaaana la oran karaa dhinac kastoo loo rogaba, falkan oo ay ka muuqato maan gaabnimo siyaasadeed, wuxuu ka soo fulay madaxtooyada Soomaaliya ( Villa Soomaaliya).

CAWAAQIBXUMADA KA DHALAN KARTA  KHAARIJISKAN SIYAASADEED

Marka ugu horeysa falkan wuxuu muujinaya in kooxda Villa Soomaaliya ay quus joogan (desprate) iyagoo dareemayo fashil siyaasadeed gudaha iyo dibadaba mar haddii ay u adkaysan waayeen codka qaar ka mid xildhaanada oo ka horyimid qorshooda siyaasadeed. sidoo kale waxay muujinaysaa in aysan Muqdishu weli ka jirin “gaangaarnimo siyaasadeed”, dimoqraadiyad, madax banaani feker, iyo  dhaqan dawladnimo midna, taasoo hubaal soo dedejin doonta fashil siyaasadeed iyo mid dawladnimo oo ku yimaada Nidaamka Muqdishu.ka taliya hadda.

Dilkan siyaasadeed (political assissination) wuxuu banaanka soo dhigay wejiga dhabta ah ee kooxda Villa Soomaaliya wuxuuna Soomaalida iyo caalalmkaba u muujinaya in aysan kooxdani u bislayn ama qaadi karin mas”uuliyada hogaaminta dalka Soomaaliya, mana jiri doonta cid aaminta dawlad xildhibaandeedi  khaarijis ugu dilaysaa in ay  kala feker duwan yihiin oo kaliya. dhinaca kale arintani waxay jirdil siyaasadeed (political torture)  ku tahay barlamaanka  Soomaaliya oo hadda u muuqda inuu la hayste (hostage) u noqday kooxda Villla Soomaaliya..

Waa gef weyn oo loo geystay meeqaamka caasimada oo ay suurtagal tahay  in aan cid mas’uuliyad haysaa dib dambe isugu aaminin gaar ahaan dad ka yimid gobolada Muqdishu ka baxsan..falkanu wuxuu hoosta ka  xariiqaya in Muqdishu aysan ahayn mustabalkana noqon doonin caasimada Soomaalida ka dhexaysa oo qof walbaa fekerkiisa siyaasadeed ku soo bandhigo karo., falkan bahalnimada ahi wuxuu hagardaamo weyn ku yahay  hanaankii dib u heshiisiinta iyo dib u yagleelida qarankii dumay ee Soomaaliya.

Falkani waxaa la oran kara waa bilowgii dhamaadka (bigining of the end) kooxda isku dayeysa in ay talada dalka maroorsato.wuxuu gar siinaya dadka ku doodaya inaan dib heshiisiinta Soomaaliya fari  qodnayn,Iyo kuwa aaminsan inaan Muqdishu dib dambe caasimad Soomaaliyeed u noqon karin ayna tahay in laga tashado meesha dalka caasamad u noqonaysaa sida dastuurku hadda yaali qabo. isku soo duuboo waxaa cad haddii dadkii si fiican ugu doodi lahaa  falkan fulaynimada ah la helo in dawlada Xasan Sheekh Maxamuud ay bixin doontoo qiimaha dilka xildhibaan Faysal( should  pay political price) kooxda Villa Somalia waxay isku dayi doonaan in ay iska fogeeyaan dilka xildhibaan Faysal isla markaas ay daadiyeen ilmada yaxaaska iyagoo tacsi iyo cambarayn is raacinaya, haseyeeshe ma aha in arintaas  si fudud looga yeelo, waa nin dhuumanayo oo dhabarku muuqdo  waana in kiiskan lagu oogaa iyadoo lala tiigsanayo Maxkamada denbiyada dagaalka ee ICC.

MAXAA LA GUDBOON MAAMULADA PUNTLAND IYO JUBBLLAND IYO XILDHIBAANADOODA

Waxaa mudooyinkan dad badan u muuqday inaan siyaasiyiinta Puntland mararka qaar ka faa’iidaysan fursadaha siyaasadeed ee soo mara iyo gefafka siyaasadeed ee ka dhaca kuwa ay siyaasiyan iska soo horjeedaan iyagoon markiiba jeedin hadalka meeshaas ku haboon ( miss thier words) ama qaadan mowqifka ku aadan. haatan oo ay  muuqato in kooxda Villa Soomaaliya ay  gudaha diilinta 18aad khalad ku galeen ayaa la ogaan doona in ay Puntland si fiican u laadaan rigooraha oo shabaqa ku raxaan kubada  iyo in kale.

Inkastoo ay jirto in Puntland doorashooyin ka jiraan haddana ma aha mid ka hor joogsanayna in ay fursadan si wanaagsan uga faa’iidaystaan, waxaaseba la oran karaa maamulka iyo murashaxiinta Puntland  waxay ku helidoonaan qadarin (credit ) haddii ay si haboon uga jawaabaan falkan lagu dilay xildhibaanka reer Puntland.

Waxaa xaqiiqa ah in Xildhibaan Faysal  fekerkii uu ku taageerayey xukuumadii Saacid uusan ahayn mowqif siyaasadeed oo Puntland ka tarjumayey balse uu ahaa mid shaqsiyan ah oo isagu qabay iyadoo aan ognahanay in Puntland aysan soo saarin war cad oo ku aadan khilaafkii Xasan iyo Saacid isla markaana xildhibaanada Puntland ugu jira barlamaanka dhexe ay ku kala feker duwanaayeen khilaafka madaxda sare,.taasoo jirta ayaa waxaa la oran karaa dilka loo geystay Faysal  ma ahan mid shakhsigiisa kaliya ku wajahan ee waa fariin loo dirayo cid kasta oo ka aragti duwan kooxda Villa Soomaaliya oo ay ugu horayso Puntland.

Falkani ma aha kii ugu horeeyey, waxaa la isku dayey in la khaarijiyo ra’iisul waraarihii hore ee DFKM C/weli Cali Gaas ka dib markii khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo Madaxweynihii hore Shiikh Shariif, waxaa wax u muuqday  isku day dilka ka badbaaday Xildhibaan C/rashiid Xidig ka dib markuu taageeray dhismihii Jubbaland, waxaa si cad loogu hanjabay xil. Cali Khaliif Galayr, waxaa barlamaanka dhexdiisa si qaawan handadaad iyo aflagaadho loogu geystay xil. Maxamed Cabdi Yuusuf, intaasoo dhacdo iyo kuwa kaloo badani waxay muujinyaan in kooxda Villa Soomaaliya ay khadka cas ( red line) gudbeen, Soomaalida waxay ku maahmaadaa doqonta usha agteeda ku dhufo hadday igaa tiraahdo ka daa haddayse aamusto dusha kala dhac.  haatan sow kooxda Viila Soomaaliya ma dhiiran markii yac la oran waayey.

Dhinaca kale dadka Soomaaliyeed waxaa caado u noqotay markii qof wax ku dhacaan waxay la soo boodaan yuu yahay qofkaasi, haddii loo sheego in ay isku hayb yihiin way ka caroodaan wayna ka falceliyaan  haddiise loo sheegoo inuu hayb kale yahay wax falcelin ma muujiyaan, anigoo aaminsan in dadk Soomaaliyeed ay iskuwada hayb yihiin dadka reer Puntlandna ayba hayb hoose wada yihiin ayaan waxaan ka digayaa in dilka xildhibaan Faysal oo Puntlander dhaba ahaa aan  hayb hoose  loo eegin waayo haybtiisu waa Soomaali reer Puntland isla markaas ka soo jeeda dad Puntland dhexdeeda xurmo iyo qadarin ku leh, waxaana dadka xasuusinaya in Gen. Cade Muuse 2007dii, si wanaagsan  uga jawaabay markii la weydiiyey xilkii uu markaas hayey Gen.C/laahi Cali Cumar (Ina Libaax San ka taabte). ciddii dishay xil.Faysal uma dilin hayb ee waxay dishay muxuu isagoo Puntland ka yimid bareerihiisa u soo bandhigay. xildhibaan kasta oo reer Puntland ama Jubaland oo sii geesnimada lahayd  oo Faysal yeelay   mowqifkiisa u muujiya  ayaa la dili lahaa hayb kasta ha ahaadee.

TALO SOO JEEDIN.

Puntland

1. ha lumin fursada (do not mis your words), soo saar qoraal adag oo cambaaraynaya dilka xil. Faysal.

2. soo jeedi in  falkan dilka ah lagu sameeyo baaritaan dawlada dhexe, Amisom iyo Puntland ka wada qayb qaataan.

3. beesha caalamka la wadaag xogta aad ka hesho dilka Xildhibaanka.

4. haddii ay suurta gal tahay xildhibaanada kuugu jira barlamaanka dhexe talo ugu yeero.

5 Soomaalida iyo caalamkaba u sheeg in Muqdishu aan si xor cidina aragtideeda ugu cabri karin, kuna adkayso in laga doodo meesha dalka caasimad u noqon doonta mustaqbalka, weligaana ( never ever) ha yeelan in Muqdishu caasimad sii ahaato mar haddii xildhibaanadi lagu dilayo maxaad mawqifkaaga u cadaysay.

6. Ugu yaraan la imow kala doorasho (options), sida in caasimadnimada loo qaybiyo labo ama saddex magaalo sida dalka South Africa.

7. adkee xiriirka aad la leedahay Jubbaland adigoo gaarsiinayo heer taxaaluf Istraatiji ah (Strategic allaince ), isla markaana la samayanysa Jubbaland hanaan ( machenism) aad ku xalisaan kala aragti duwaanashaha iman kara.kana foogignow isku dayga Muqdishu ee kala fogeynta labada Maamul.

8.u arag in gobolada Khaatumo kuu yihiin  gudo istrategi ah (strategic depth). tusaale. Laacoonood 120 Km oo kaliya ayey u jirtaa Garoowe, jooji siyaasada ismoodsiiska ka ah ee ee ku aadan Khaatumo, kuna baaq shir dib u turxaan bixin ah oo khuseeya goboladaas adigoo u dhega nuglaanaya tabashada Khaatumo, isla markaasna dareensiinaya  in midnimada Puntland Istrategiyad ahaan, Militery ahaan, siyaasadan ahaan iyo dhaqaale ahaanba  ay tahay khiyaarka ugu haboon ee lagu badbaadi karo marka la eego xaalada maanta ka jirta Soomaaliya.

Jubbaland;

1. u tooghay amniga xildhibaanada kuugu jira barlamaanka iyo madaxdaada kale ee Muqdishu ku sugan ama tegi doona.

2 cambaaree dilka xildhibaan  Faysal loo geystay.

3. muuji walaaca aad ka qabto amaanka Muqdishu iyo amniga xildhibaanada.

4. sida ay sheegayso warbixinta Machadka Heritage ee Muqdishu, isuma calool fiyoobidin idinka iyo dawlada dhexe, markaas taxadar dheeri ka  ka qab dhinaca Muqdishu.had iyo jeer.

5. Isha ku ahay waxa ka socda Baydhabo iyo sida ay islu fal galayaan siyaasadaha cusub ee uu dhaliyey khilaafka Madaxda sare.isla markaana dedeji magacaabista golaha wasiirada Jubbaland.

6. adkee xiriirka aad la leedahay Puntland adigoo gaarsiinayo heer taxaaluf Istraatiji ah (Strategic allaince ), isla markaana  la samayanysa Puntland hanaan ( machenism) aad ku xalisaan kala aragti duwaanashaha iman kara, kana foogijnow isku dayga Muqdishu ee kala fogeynta labada Maamul.

7. Yaan shaki kaa gelin in dhinaca Muqdishu markasta ay khatari kaa soo wajahi karto.

Xilddhibaada Puntland/Jubaland ee Muqdishu ku sugan.

1. shir deg deg ka  yeesha falka dilka xildhibaanka isla markaana camabaarayn adag soo saara.

2. soo jeediyo in la sameeyo baaritaan  ay Amisom ka qayb qaadato;

3. Soomaalida iyo caalamkaba u muujiyo sida wax u dhaceen idinkoo xusaya mowqifka uu Faysal ka joogay khilaafkii madaxda sare.

4. idinkoo meel iska dhigaya kala duwanaanshaha feker, la tashada  Maamulada iyo waxgaradka Puntland iyo Jubbaland idinkoo wax iska weydiinaya sidii aad u qaadan lahaydeen talaabo adag oo ku aadan falkan.

5. Waxaa jirta xigmada tiraahda “ma wax inaga inoo roon ayaan yeelaa mise wax wiil wiilkiis u roon”, qaarkiin waxaa laga yaab in ay wax weyn u akraan  xilka iyo xurmadiisa, balse waxaa idin horyaal inaad qaadataan go;aamo adag oo masiiri ah oo aad ku badbaadinaysaan dalka iyo dadka, qorshana ha idiinku jirto inaad ka insixaabtaan barlamaanka.

Ra’iisal wareere Saacid
saacid44

1. Faysal si weyn ayuu kuugu hiiliyey markuu noolaa, ee u hiili maanta  oo uu dhintay eleyn dartaa ayaa loo dilay sida muuqata e.

2, cod dheer oo cambaarayn soo saar, guddi dilkiisa baarana samee oo Amisom ku jirto inta aad xilka sii hayso.

3. Soomaalida iyo caalamkaba  u sheeg mowqifkii uu kugu taageeray xil. Faysal iyo inaad shaki ka qabto in aragtidiisa siyaasadeed loo dilay.

4.dilkan foosha xumi wuxuu muujinaya in kuwii riday xukuumadaada aysan waxba ka xishoonayn oo aysan dan Soomaaliiyeed wadin, sida muuqata, ee ka faa’iidayso fursadan oo ha lumin erayadaada ( do not miss your words).
.
5.Maadaama kuwii kaa soo horjeeday ku qanci waayeen in ay rideen xukuumaadadi oo kaliya balse ay taalooyin kale sii qaadeen si la dheehan karo, ku dhiiro in aad Ummada Soomaaliyeed iyo caalamkaba la wadaagto qorshayaasha gurac ee kooxdani wado intii macquul ah.

6. waxa ugu wanaagsan ee aad ugu hiilin karto Xil. Faysal waa adigoo ka shaqeeya sidii aad ummada Soomaaliyeed ugu badbaadin lahayd kuwa u bareeray falkan argagixisinimo, ee qaado go’ aan kasta oo aad isleedahay kuwan ayuu dadka iyo dalka ka badbaadin karaa.

Guntii gabagabadii.xil ka xayuubintii Saacid, dilka xil, Faysal, iscasilaadii Gudoomiyihii bangiga dhexe  iyo arimo kale oo badan oo  mudooyinkii ugu dambeeyey dhacay waxaa la oran karaa waa  isbedel horseedayaal waaweyn (game changer factors) haddii la helo ciddii ka faa;iidaysan lahayd oo u isticmaali lahayd si danta Ummada Soomaaliyeed ku jirto.

Sidoo waxaa hubaal ah kuwa soo abaabulay dilka xildhibaan Faysal in ay xisaab khaldan isku dhufsadeen( cabdoo khalad xisaab), taasoo ah xildh. Faysal Muqdishu si fulaynimo ah oo aan bareer ahayn waa loogu dili karaa lakiin fekerkiisa iyo hindihiisa siyaasadeed lama dili karo, waxaana dhab ah in dilka xildhibaan Faysal uu ku kici dooni qiime siyaasadeed oo weyn ( high stake politcal price).

WQ: Daahireeto Sheekh

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com