Dhageyso: Falaagada Al Shabaab Oo Xalay Qaar Ka Mid Ah Dagmooyinka Magaalada Muqdisho Madaafiic Ku Garaacay.

0

madaafiicMuqdisho (AGGM): Falaagada Argagixisada ah ee Al Shabaab oo Xalay ku garaacay Hoobiyeyaal qaar ka mid ah xaafadaha  magaalada Muqdisho.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in madaafiicdan ay soo tuurayeen falaagada Al Shabaab ay ka dhasheen qasaare dhaawac ah oo soo gaaray dad rayid ah, Madaafiicdan ayaa sida la sheegay badankood  inay ku dhacay xaafadaha nawaaxiga xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Dadka ku dhaqan agagaarka Madaxtooyada ayaa sheegay in wal wal ay ku jireen xalay oo dhan, waayo sida roobkii waxaa dushooda ugu hoobanaayay madaafiic.

Isku soo wada duuboo Xaaladda ayaa saaka ah mid dagan, waloow ay jiraan waxaa baaritaano xoog leh oo ay wadaan ciidamada nabad sugidda ee dowladda.

Halkaan Hoose Ka Dhageyso4

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com