Qarax Lagu Dilay Xildhibaan Ku Sugnaa Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia

0

qarax-2Muqdisho(AGGM)Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa goor dhow ku geeriyooday qarax gaarigiisa loogu xiray oo ka dhacay agagaarka Madaxtooyada Villa Soomaaliya, gaar ahaan meel baabuurta la dhigto oo ku dhow Guriga Ra’iisul Wasaaraha.

Xildhibaanka ayaa magaciisa lagu sheegay Maxamed Warsame Maxamed oo loo yaqaano Xildhibaan Feysal, kaasoo u dhintay dhaawac halis ahaa oo ka soo gaaray qaraxa oo u muuqday mid ka dhashay gudaha gaarigiisa. Qaraxa ayaa dhacay xilli laga soo baxay salaadii Jimcaha kadib, iyadoo warar kala duwan ay ka soo baxayeen.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Gabar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ay ku dhaawacantay qaraxa uu ku dhintay Xildhibaan Feysal oo ahaa mid gaarigiisa ka dhashay. Xildhibaankan ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa mudanayaashii taageersanaa Xukuumadii Saacid ee kalsoonida lagala laabtay.

Ma ahan markii u horeysay ee qarax loogu xiro Mudane ka tirsan Baarlamaanka, dhowr bilood ka hor ayay aheyd markii Xildhibaan Sheekh Aadan Madeer uu ka bad baaday qarax gaarigiisa loogu xiray oo ka dhacay degmada Xamar Weyne.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya oo ku aadan qaraxa uu ku dhintay Xildhibaanka, sidoo kale ma jirto ilaa iyo hada cid wali sheegatay.

Isha Ku hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com