Jawaari Gacmaha Ayaa Ku Leedahay Dhiigi Xildhibaan Maxamed Warsame Maxamed (Xildhibaan Faysal) Waana In Aad Iscasilaa.

0

jawaari iyo sheekhGudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ee ay yeesheen jeebkana u galay urur diimeedka Damiin Jadiid Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari waa in uu iscasilaa.

Jawaari hoowshi loo idmaday waa uu ka soo bixi waayay ka dib marki uu ku fashilmay in Baarlamaanku noqdo mid tayo leh islamarkaana ku shaqeeya sharciga ee aan ku shaqeeyn laalauush, eex iyo sadbursi, waxaadna Madax u tahay islamarkaana xalaaleysatay Musuq Maasuq.

Gudoomiye Jawaari xataa waxaa damaanad qaadi weysay amaanka Xildhibaanada aan ku fikirka aheeyn oo hadii dood sharci ay dhexmarto Xildhibaanada dhankaaga ah, waxaa la qaarajinayaa Xildhibaanka fikirka aad qabtaan fikir ka duwan keena sida hadda muuqata ee loo dilay Xildhibaan Maxamed Warsame Maxamed (Xildhibaan Faysal) .

Jawaari waxaad gacmaha ku leedaha dhiiga Allaha u naxariistee Xildhibaan Maxamed Warsame Maxamed (Xildhibaan Faysal), adigaana laguu heeystaa geeridiisa, waxaan talo kuugu soo jeedinayaa Gudoomiye Jawaari bilaa caleeyk waad ku fashilantay meeshee iscasil intay goori goor tahay.

Gabgabadi Waxaan dhamaan inta weli damiirkooda Soomaalinimo Shaqeenayo ugu baaqayaa inay kalsoonida kala laabtaan dowladda iyo Xildhinaada hadda ku xareeysan baqaarka weyn ee Damiin Jadiid ee magaalada Muqdisho meel kastoo ay ka joogtaan dalka iyo dibeddiisaba.

jawaari iyo sheekh

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com