Ha La Yaabin Saaxiib Waa Iska Caadi Meeshu Waa Soomaaliya. W/Q. Xaji Cabdi Yare

0

wasiirada-soomalaiyaWasiir yiri wax manan  qaban ee ha la rido hadana  leh wasiir baan rabaa in la iga dhigo oo la I abaal marayo waa halkudhigga iyo Siyaasadda Dumul jadiid.

Kooxda Damu Jadiid inay sidaas damcaan labadaas arimood oo kala ah qorax u dhac iyo qorax ka soobax sey ugu fakareen ha yaabina wey tahay inay u fakaraan oo waa caadi waayo ma jiraan wax mabaadi ah oo ka jira dalka ,oo Baarlamaankii baa noqdey yaa inta badan bixinaya ,marka ayagu gar bey leeyihiin oo mar hadey Jeebka ka soconayaan ,mabda`a baarlamaankeena intiisa badanina ay tahay meeqaa bixinaysaan ayagoo aan fiirin xattaa waxyaabaha aan haba yaraatee macquulka ahayn ,oon la aqbali Karin oo caqliga aadanaha kan u liitaana qaadan Karin.

Yaa soo haray shacabka Soomaaliyeed waa inuu noqdaa gidigiis Damu Jadiid ,waxaanse ka baqayaa in loo diido inay Damu Jadiid noqdaan saas beyna u badantahay , maxaa yalaa marka?

Iska daawada waxa dhacaya sidii la rabana ha la idin ka yeelo waayahaanba saas baad ahaydeene oo halkudhigiinu ahaa waa iska caadi maxaa caadiya Malaayiin qaxootiya ,boqolaal kun la laayey hadana la leynayo ,boqolaal kun biyo iyo duufaanu la tagtay ,boqolaal kun barakayaal ah oo rag meel ugu xaraysan malaayiin shaqo iyo mustaqbal la`aana OK Waa Iska caaaaaaaaaaadi

Xaji Cabdi Yare
xajicabdiyare71@gmail.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com