Dr. Saacid Shirdoon Oo Loo Aqoonsaday Wadani Ay Soomaaliya Weysay !! (Maxuu Ku Muteestay)

0

02Sida ku cad socodka waayaha taariikhda ummadda Soomaaliyeed waxaa jira muwaadiniin aad u fara badan oo loo aqoonsan yahay inay yihiin wadaniyiin, kuwaasi oo lagu sharfo isla markaana lagu maamuuso hadba wixii wanaag iyo horumar ah oo ay u soo qabteen dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

Cida walba iskama noqon karto wadani, hase yeeshee waxaa wadani lagu tilmaamaa shaqsi walba oo ku sifooba arrimaha lagu yaqaano lagu yaqaano wadaninimada, waxaana ruuxa wadaniga ahi uu leeyahay niyad sami ku saleysan dal jacayl, waxqabad hufan iyo garasho dheeraad ah oo uu kaga soocan yahay bulshada inteeda kale, iyadoo ay wax walba kala weyn tahay badbaadinta wadankiisa iyo ummadiisa.

Inkastoo ay horay u jireen wadaniyiin baal dahab ah kaga qoran taariikhda dadka Soomaaliyeed ayaa haatan waxaa wadaniyiintaasi la aqoonsan yahay ku biiray wadaniga la yiraahdo Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo ah Ra’iisal Wasaarihii ugu horeeyay ee ay Soomaaliya yeelato xilligii KMG kaddib, kaasi oo ku sifoobay daacadnimo, dal jacayl, u turidda shacbigiisa, dulqaad, garasho, faragelin nacayb, run sheegnimo iyo arrimo kale oo qeyb ka ah tilmaamaha lagu garto wadaniga suuban.

Runtii…waa u dhalasho wadaninimada, mana aha wax la iska yeel yeeli karo, waxaana xaqiiqo ah Saacid Shirdoon inuu yahay wadani dhab ah, maxaa yeelay wadaninimada Saacid inkastoo ay ahayd mid soo jireen ah hadana waxay si xoog leh u soo daahirtay dhowr cisho kahor kaddib kolkii Xildhibaanada Baarlamaanka Dowladda Federaalka qaarkood ay shirqool afgembi ah ay u maleegeen xukuumadii uu hoggaaminayay, taasi oo maalinimadii doraad ahayd lagu riday shir qoolkii kooxdaasi.

Dad badan oo isugu jiray ajaanib, mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka, madaxda maamul goboleedyada dalka, siyaasiyiin, aqoonyahano, culumaa’udiin, haween iyo qeybo badan oo ka mid ah bulshada Soomaaliyeed ayaa filayay in Ra’iisal Wasaare Saacid uu ka dabaaqtami doono dhagartii lagu ridayay xukuumadiisa oo la ogyahay inay madaxtooyadu horseed ka ahayd, balse nasiib wanaag Ra’iisal Wasaaraha sii baxaya taa ma uusan sameyn, wuxuuna bedelkeed ku dhaqaaqay inuu u tanasulo dadka iyo dalka, wuxuuna si geesinimo leh uga hor caddeeyay qeybaha kala duwan ee warbaahinta isagoo og in kooxo dano gaar ah leh ay si sharci darro ah ugu heshiiyeen sidii ay xafiiska uga tuuri lahaayeen in hadana uu u tanasulayo badbaadada qaranimada Soomaaliyeed.

Hadalkaas qiimaha badan ee wadaninimadu ay ka dhadhameyso waxaa si buuxda u soo dhoweeyay shacbiga Soomaaliyeed iyo beesha caalamka, wuxuuna Ra’iisal Wasaaraha tegaya uu ku helay sumcad, kalsooni iyo sharaf aad u ballaaran, iyadoo loo aqoonsaday inuu yahay wadani tiisii gaarka ahayd ka hor mariyay dantii caamka ahayd ee shacbigiisa, bacdamaa uu wax walba uga haray badbaadinta wadankiisa.

Sidii horay u dhici jirtay Ra’iisal Wasaaraha xafiiska sii banneynaya waxa uu kari karayay inqilaabkii lagu sameynayay inuu kahortago isagoo kaashanaya madaxda wadamada deriska la ah Soomaaliya, kuwaasi oo qaarkood la fahamsan yahay inaanay Madaxweyne Xasan Sheekh isku fiicneyn, balse Saacid in arrimaha Soomaaliya dibadda lagu soo xaliyo waxa uu ka door biday sidii uu uga hortegi lahaa inaanay faragelin shisheeye imaanin, wuxuuna go’aansaday inuu ku samro afgembigii sharci darrada ahaa ee lagu waday, si dhibaatadii siyaasadeed ee taagneyd aanay u sii baahin.

Waxaa hubanti ah Ra’iisal Wasaaraha la riday inuu heli doono abaalkiisa ku aadan sida uu uga fekeray danta guud ee dadka Soomaaliyeed, waxaana xaqiiqo ah tuuristiisu inay dhaawac ku noqon doonto horumarka Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana suuragal ah inay beesha caalamku ka fiirsato kalsoonida ay siisay Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, bacdamaa la ogaaday in Madaxwenaha iyo kooxdiisa Damul Jadiid ay horseed ka ahaayeen ridista Ra’iisal Wasaaraha baxay.

Hadal heynta ugu faraha badan ee xilligaan ka socota gudaha iyo dibadda Soomaaliya waa wadaninimada uu muujiyay Ra’iisal Wasaaraha xilka sii haya, waxaana waxgarad badan ay qabaan inay adkaan doonto sidii lagu soo heli lahaa Ra’iisal Wasaare xagga wadaninimada kala mid noqda Dr. Saacid Shirdon, waxaana welwel xoog leh laga qabaa inuu yimaado Ra’iisal Wasaare cusub oo dib u cuna wanaagii uu ka tegay midka haatan xafiiska faaruqinaya.

Waa wax iska caadi ah in dadka Soomaaliyeed mar ay helaan hoggaamiyeyaal wadaniyiin ah, marna ay hor kacaan qaar daneystayaal ah, sidaasi daraadeed waxaa labana isku diidaneyn inay Soomaaliya weysay wadani ay ku weyn tahay Soomaalinimada balse la hubo inuu ku waari doono quluubta shacbigiisa maadaama uu yahay hoggaamiyihii ugu horeeyay ee is qabqabsi la’aan dheer inta aanu imaanin u tanasula geyigiisa.

Waxaa Qoray: Jabriil Maxamuud Nuur (Jabra)
E-Mail: jabriil37@hotmail.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com