GABAY: Tabbeellaha Waxaa Noogu Qoran.W/C Abwaan Saciid Muuse Axmad

0

GABAYGABAY: Gabaygan la yiraa “Tabbeellaha waxaa noogu qoran ” waxaan tiriyay markii ay dillaaceen toowradihii Carabta, anoo xaalka dalka isha ku haya, wuxuuna leeyahay:

 

Ka tuureen Siyaad nimanki riday toban jirkeeygiiye

Taaym waxaan garaadsaday fitnada tolowdu yeertaaye

Talis dowlo loo wada dhanyoo taagan maan arage

Taariiqda qoran baa dhacdada laga tixraacaaye

Waxaan taminayaa oon rabaa tamashle dowleede

Iyo calan inoo taaganoo laga tumaayaaaye

Toowradaha markaan sii arkiyo teenna kala taalla

Sida cunugeey tagtay hooyadiis toban asoon gaarin

Qalbigaa dalkii tabahayaa taam i noqoneeyne

Tawna waan ka soo oran hurdada toban kunoo jeere

Tiisa kaan aqoon bey qalqiga tixagaleeyneyne

Inagana tabtaas baan nahoo nala takooraaye

Tabeellaha waxaa noogu qoran tuugo nacaseede

Ka Tasbiixsay uunkoo ka yaab teybka aan nahaye

Tirmay magaci Soomaalidii taaganaan jiraye

Tuurmay calanki waa kaas marnaba toosis loo garane

Tafaraaruq waa kaas shacbigi kala tahriibeene

Tabar beeshay lacagtoo ka haray tumin kun goyneeyne

Taako ma leh dhulkii ey samaan nabaddu taallaaye

Toowriyo haddeey taagan tahay talo kacaaneede

War miyaan loo turin shacbiga turunturroonaaya

Tabta nolosha soomaalidaa tuban sancoon joogo

Taariiq haddii aan ka qoro Yamanna taabtaabto

Tusmo naagaheennii jeclaa tamashle noolaanta

Talo kuma hayaan iyo wanaag tacab la sheegaaye

Musqulaheey tiraan iyo gidaar tafashinaayaaye

Turturqeeno farahoo dhammaan tahar dillaacmeene

Tabar baa u geeysaye ma rabin talaxun booyaase

Nimankiina camal loo tirshaa ugama toosaane

Qaar gawaari loo tarabin bey tiratiraayaane

Taagis buu ijaar guri rabaa Carab tacaalaaye

Korontaana taa dheer biyaha tasadudkoodiiye

Iyo maradh tageeyn oo ilmaha tifatifeeyaaye

Taakooleey waxaa lala dhacaa toban garruumoode

Teybal yuu’en daawadi baryahan toos ma bixiyeene

Bukaankiina tacab beey marshaan toban wareegoode

Intuu tiira dheer noqanayuu talaf yiraahdaaye

Markuu tanag sidii yeero bey tasarufeeyaane

Daawo taya lahaoo wax u tartaa kuma tallaalaane

Benisiliin la tuuroo shushubaa la isu taagaaye

Cataq tiro dadkeennaas ku nool toban kun dhaaftaaye

Tawac bey ku wada nool yihiin tuugsi loo kaca’e

Waa cammoow i sii toban Riyaal tamanahoodiiye

Iyo tuugo xadistoo ilmaha lagu tashjiicaaye

Toowriyo haddeey taagan tahay talo kacaaneede

War miyaanan loo turin shacbiga tiiha wada gaaray

Tuugsiga miyaan naagahaa laga taxaabeeynin?

Iyo taa mid dheeroon jecleeyn inan ku taaqtaaqo

Haddey adiga kuu toosantoo Toronto aad joogto

Kaksisna aad ku nooshahay Iswiid Yurub tanaadeysan

Tiifiiga waa laga arkaa taxanaheeygaane

Talo keen walaaloow dalkii wuu ku tabayaaye

Tooseen haddeer Carabahoo dhaliyeene

Caabidiin ka tuureen shcbigi Tuunisoo kacaye

Tagay oo Xusniba weysagaa sii tilaabsadaye

Waxba hadalka yuu ila tagine waxaan ku taakeeyay

Soomaalaay inteys tiirsadaan toosa oo kaca’e

Taageera waligiin midkiin taagdarnaan galo’e

Dhammaad.

Saciid Muuse Axmad
abwaanyare2013@hotmail.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com