War Deg Deg Ah: Dagaal Culus Oo Ka Socda Taleex & Maleeshiyaadkii Faroole Oo La Jabiyey

0

Breaking_NewsLaascaanood(AGGM) Waxaa saacado badan dagaal aad u qaraar ka socdaa duleedka Degmada Taleex ee xaruntii daraawiisheed waxaana dagaalkaasi yahay mid culus oo la sheegay inay soo qaadeen ciidamado daacad u ah hogaamiyaha waqtigisu sii dhamaanayo ee Faroole iyo ku xigeenkiisa.

Dagaalkan ayaa la sheegay inuu ahaa mid ay ka war hayeen dadka degaanka Taleex oo iyagu hubeysan,waxaana la sheegayaa in dagaalkaasi qaraxay ka dib markii ciidamada daacadda u ah Maamulka Faroole iyo Cabdisamad ay weerar culus ku soo qaadeen farisiino ciidamo degaanka ahi ku leeyihiin degmada Taleex duleedka,waxaana la sheegay in ciidamada degaanku dagaalkaasi ku gacan sareyeen isla markaasna ciidamadii maamulka puntland dib ugu riixeen dhinaca garoowe.

Sidoo kale wararka Allgalgaduud ka helayso Magaalada Garowe ayaa sheegaya in Taliyihii Ciidamada Puntland hogaaminayey oo lagu sheegay Magaciisa Jeneraal Daahir Nuur uu ku dhintey dagaalkaasi sidoo kalena meydkiisa la geeyey isbitaalka Magaalada Garoowe,waxaana la sheegaya in sidoo kale dhaawacyo tiro badan la soo gaarsiyey Magaalada Garowe.

Dhinaca kale waxaa la sheegaya in gurmadyo kala duwan gaarayaan duleedka Taleex kuwaasi oo ka kala imaanaya degaano kala duwan,waxaana la sheegayaa in Maamulka Puntland ciidamo badan u soo direy degaankaasi iyadoo wali dagaalku si xawli ah u socdo isla markaasna khasaare badan ka dhashay.

Ugu dambeyntii dadka degaank Khaatumo ayaa la sheegayaa inay u diyaar garoobeen dagaalo culus oo ay la galaan Maamulka Faroole oo doonaya inuu xilka sii dheereysto,waxaana Saraakisha Mamulka Khaatumo sheegeen inay doonayaan inay iska caabiyaan Faroole iyo ciidamadiisa.

Wararka Ka Soo Kordha Kala Soco Allgalgaduud

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com