Top News: Midawga Yurub Oo Beena Hawaas Ku Tilmaamaya Wasiiradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya (Sawiro)

0

CA5P3471Muqdisho(AGGM) Dagaal diblomaasiyadeed oo u dhaxeeya wasiirka arrimaha dibedda Somalia iyo madaxda horumarinta Midowga Yurub, ayaa ka qarxay magaalada Brussels, waxaana uu ku saabsan yahay heerka gar gaarka Midowga Yurub uu siiyo Somalia.

Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan, ayaa sheegtay “in Somalia aysan waxba ka helin Midowga Yurub, marka laga reebo – Ballan qaad kaliya”.

Fowsiya ayaa ku dooday in shirkii Hiigsiga Cusub ama New Deal ee bishii September loogu ballan qaaday Somalia 1.8 bilyan oo Euro, balse illaa iyo hadda aysan heli waxba.

“Waxaan weydiisanay dalalka Yurub inay ka dhabeeyaan ballan qaadkooda, waxaana filaa inaan taasi aragno” ayey tiri.

“Intii lagu guda jiray waqtigii KMG ahaa, waxaa sanaddii 2010 la ballan qaaday 200 oo Euro, taasina illaa iyo hadda sidoo kale waxba kama hayno” ayey sii raacisay.

Isaga oo u jawaabaya Fowsiya ayaa madaxa horumarinta EU-da Andris Piebalgs waxa uu wargeyska International Business Times u sheegay inuu aad uga careysan yahay hadalka Fowsiya, sababta oo ah buu yiri “Waa been”.

“Hanaanka siyaasadeed ee ka billaabanaya Somalia ma ahan oo kaliya awoodo siyaasadeed ee waa kuwo maal gelineed oo quseeya qeybo badan oo ka mid ah Somalia” ayuu yiri Piebalgs.

“Waxaan wadnaa mashruucyo horumarineed oo ka socda qeybo ka mid ah Somalia. 50 Milyan oo Euro ayaan ku hormarineynaa waxbarashada, caafimaadka iyo biyo nadiif ah oo laga hir-galinayo Somaliland iyo Puntland” ayuu sii raaciyey.

Waxa kale oo uu yiri “Waa runteed wax lacag ma marsiino dowladda federaalka Somalia, sabatuna waxa ay tahay si aynu taas u sameyno waxaan u baahanahay maamul maareyn kara maaaliyadda iyo la xisaabtan, taasna nooma muuqato”.

Ugu dambeyntii Piebalgs, ayaa sheegay inuu horey u ballan qaaday iminkana diyaar u yahay inuu la shaqeeyo dowladda Somalia, inkasta oo taas macnaheedu aanu ahayn inay dowladda lacag u marsiiyaan qeybaha kale ee dalka.Guddiga Midowga Yurub, ayaa taageero horumarineed siiya Somalia, ayada oo taasi ay qeyb ka tahay Barnaamijka Horumarinta ee Yurub. Lacagta loogu tala galay Somalia 2008 illaa 2013, waa 521 milyan oo Euro.

CA5P3471CA5P3491CA5P3545CA5P3563CA5P3590

Halkan guji Kana Akhriso Warkan Oo English Ah…

Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com