Heesta: Danguud.W/Q Bashiir M. Xersi

0

Hees1“Danguud” waa hees si kooban u tilmaamaysa waxa qof walba oo Soomaali ahi uu doonayo inuu noqdo, helo ama uu sameeyo iyo waxa uusan doonayn inay ku dhacaan, inuu noqdo ama lagu tilmaamo. Sida aad ku arki doontaanba waxay isku saaran tahay waxa la doonayo in la gaaro iyo wax aan la doonayn inay guntanmaan, ooba ah inta noloshu ka kooban tahay wax la rabo iyo wax aan la rabin. Anoon idin ku dheerayaynn ararta heesta waxay u qaybsan tahay saddax qayb oo kala ah: (1) Nabad iyo Negaan (2) Hoggaan iyo Maamul (3) Qoys iyo Bulsho oo aan isla sidan u kala nambareeyey hadba qaybta ay ka billaabanayso, haddana heestii waa tane ka bogosho wacan:

Heesta: Danguud

Maan doonahayn
Inaan deel marshoon
Deelleey curshoo
Dib u faaqidee
Dalab iyo dhambaal
Farriin iyo digniin
Dadka aan u diro:

Waxaan diidayoon
Laygu dayi karayn
Marna iga dagayn;

Waxaan doonayoo
Durba inaan helaa
Misna ii danoo
Iga daahi karin
Dabci ii ahoo
Laygu dawgaloon
Iska dayn karayn
Aan daliiliyee

Qalin ula degdega
Dugsiyada ku dhiga
Degellada ku qora
Ku daabaca darbiga
Da’yartana baroo
Ugu duuba keyd
Dunidoo dhan iyo

Dalka kuwa jiriyo
Kuwa dibad ku maqan
Labadaba u dira
Dabcan inay dhahaan
Waan danaynayaa

Dadweynoow i maqal
Ila diid xumaan
Ila doon wanaag.
******************

(1) Waxaan diidayaa
Dirir iyo colaad
Waxaan doonayaa
Nabad iyo degnaan.

Waxaan diidayaa
Holac iyo dagaal
Waxaan doonayaa
Dugsi iyo aqoon.

Waxaan diidayaa
Dilka duulkayaga
Waxaan doonayaa
Nolol iyo dabiib.

Waxaan diidayaa
Dumin iyo burburin
Waxaan doonayaa
Dhisme iyo degaan.

Waxaan diidayaa
Dabka iyo dhimbilo
Waxaan doonayaa
Damin iyoTahliil.

Waxaan diidayaa
Daqar iyo mashaqo
Waxaan doonayaa
Dhaymo iyo daweyn.

Waxaan diidayaa
Dabin iyo shirqool
Waxaan doonayaa
Daaddah iyo deddaan.

Waxaan diidayaa
Dacar iyo dhibjaan
Waxaan doonayaa
Rays iyo daruur.

Waxaan diidayaa
Dulmi iyo darxumo
Waxaan doonayaa
Daacad iyo sinnaan.

Waxaan diidayaa
Dukum iyo burburin
Waxaan doonayaa
Dibdhis iyo Daleyn.

Waxaan diidayaa
Dibadaha u qixi
Waxaan doonayaa
Dib in loo dejiyo.

Waxaan diidayaa
Dacdarriyo tahriib
Waxaan doonayaa
Daryeel iyo qorsheyn.

Waxaan diidayaa
Dano gaara fuli
Waxaan doonayaa
Danta guud hormari.
******************

(2) Waxaan diidayaa
Doqon iyo damiin
Waxaan doonayaa
Dirac iyo halyeey.

Waxaan diidayaa
Dallaal iyo Mallaal
Waxaan doonayaa
Daljir iyo hoggaan.

Waxaan diidayaa
Dibjir iyo halaag
Waxaan doonayaa
Danjir iyo xilqaad.

Waxaan diidayaa
I dil iyo i daa
Waxaan doonayaa
Isku duubni mida.

Waxaan diidayaa
Diradira nin wada
Waxaan doonayaa
Midnimiyo duggaal.

Waxaan diidayaa
Nimaan diirnaxayn
Waxaan doonayaa
Nin dareemi kara.

Waxaan diidayaa
Musuq iyo daldalo
Waxaan doonayaa
Diiwaan iyo xisaab.

Waxaan diidayaa
Tuug iyo dilaa
Waxaan doonayaa
Dar Alliyo wadaad.

Waxaan diidayaa
Jirri iyo dugaag
Waxaan doonayaa
Askar iyo dirays.

Waxaan diidayaa
Dayday iyo xariif
Waxaan doonayaa
Arday iyo dullaab.

Waxaan diidayaa
Kala daadsanaan
Waxaan doonaya
Dowlad iyo dastuur.

Waxaan diidayaa
Duqay duufsanoo
Waxaan doonayaa
Duub iyo Ugaas.

Waxaan diidaya
Dano gaara fuli
Waxaan doonayaa
Danta guud hormari.
******************

(3) Waxaan diidayaa
Ninka dumarka dila
Waxaan doonayaa
Inaan Dahab u xiro.

Waxaan diidayaa
Furriin iyo dalaaq
Waxaan doonayaa
Dadab iyo aroos.

Waxaan diidayaa
Doobnimo ku joog
Waxaan doonayaa
Ubad daaddahee.

Waxaan diidayaa
Nacab igu digtaa
Waxaan doonayaa
Gacal ii damqada.

Waxaan diidayaa
Dakaniyo qabiil
Waxaan doonayaa
Daris iyo xigaal.

Waxaan diidayaa
Been iyo durduro
Waxaan doonayaa
Runta iyo dedaal.

Waxaan diidayaa
Dulli iyo habaar
Waxaan doonayaa
Duco iyo xishood.

Waxaan diidayaa
Cudur iyo diraac
Waxaan doonayaa
Dayr iyo gu’ da’a.

Waxaan diidayaa
Dhirta dabar jarkeed
Waxaan doonayaa
Kaymiyo dhul-daaq.

Waxaan diidayaa
Bii’ada la dubo
Waxaan doonayaa
Damal iyo dhirayn.

Waxaan diidayaa
Dawarsiyo shaxaad
Waxaan doonayaa
Dakhli iyo xamaal.

Waxaan diidayaa
Miro dibad ka yimid
Waxaan doonayaa
Dalag iyo abuur.

Waxaan diidayaa
Deeq hay’adeed
Waxaan doonayaa
Deegaan hormara.

Waxaan diidayaa
Ribo iyo dulsaar
Waxaan doonayaa
Darar iyo macaash.

Waxaan diidayaa
Iska qaado dayn
Waxaan doonayaa
Dalku inow isdebbero.

Waxaan diidayaa
Dibno laysku tolay
Waxaan doonayaa
Dood iyo dubaakh.

Waxaan diidayaa
Garba-duub u xira
Waxaan doonayaa
Xornimiyo dadnimo.

Waxaan diidayaa
Dambiiliyo curraaf
Waxaan doonayaa
Dab-Shid iyo Fiddow.

Waxaan diidayaa
Afka dabargo’iis
Waxaan doonayaa
Darsi inuu noqdaa.

Waxaan diidaya
Dano gaara fuli
Waxaan doonayaa
Danta guud hormari.
*****************
Dhammaad.

23/10/2013

Bashiir M. Xersi
brdiraac@hotmail.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com