Dab Khasaare Hantiyeed Sababay Oo Ka Kacay Isgoyska Km 4

0

dagexleyMuqdisho(AGGM)Dab aad u xoogan ayaa waxa uu ka kacay xarun shidaal lagu iibiyo oo ku taala isgoyska KM4 ee magaalada muqdisho,gaar ahaan wadada u leexata dhanka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde. Dabka ayaa ku faafay guro ka ag dhawaa goobta uu ka kacay,waxana sii xoojiyay dabka dabeyl xoogan oo manta ka jirta magaalada muqdisho.

Qaar ka mid ah fuustooyinkii uu shidaalka ku jiray ayaa bilaaby inay qarxaan,waxaana dadka laga daad gureeyay guryihii ka ag dhawaa goobta uu dabka ka kacay. Dabka ayaa sidoo kale saameeynku yeeshay ganacsigii ku yaalay wadada hareeraheeda iyo isu socodka gaadiidka,gaarahaan gaadiidkii isticmaalayay wadada aada garoonka diyaaradaha.

 

Gawaarida dab damiska ee maamulka gobolka Banaadir ayaa ku howlan sidii ay u damin lahaayeen dabkaasi oo sii fidaya. Ciidamada booliska ayaa shirkadaha korontada ugu baaqay in ay damiyaan korontada dhamaan agagaarka isgoyska KM4 si ay u fududaato damkinta dabkaasi.

 

Ugu dambeyntii dabkan oo wali socda ayaa uuradiisa laga arkayaa guud ahaan magaalada muqdisho,mana jirto ila hada wax qasaare nafeed ah oo uu geeystay,laakiin waxaa jirta qasaare hantiyeed oo uu geeystay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com