Xog Hoose: Admiraal Faarax Qare Oo Lagu Bedelayo Nin Ka Tirsan Daamul Jadiid

0

BE96786E-3720-4547-A4B2-C7C8261B4C53_w640_r1_sMuqdisho(AGGM) Taliyihii Ciidamada Badda Soomaaliya Admiral Faarax Qarre xil ka qaadis lagu sameeyay, iyadoo lagu bedelay Sarkaal sare oo ka tirsanaa Ciidamada Milateriga.Waxaana la sheegayaa in sidoo kale ay seeftu qaadan doonto Taliyeyaal badan oo ka tirsan ciidamada kala duwan ee dalka soomaaliya

Inkastoo ilaa iyo hada aan la shaacin wareegtada xilka looga qaaday Admiral Faarax Qarre ayaa hadana waxaa uu is bedelkan qeyb ka ahaa is bedelo horay loogu sameeyay Hogaanada ciidamada qalabka sida, tan iyo markii Madaxweyne Xasan Sheekh loo doortay xilka Madaxtinimada Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in taliyaha Ciidamada Badda loo magacaabay Sarkaal magaciisa lagu soo gaabiyay Jen. Ufurow oo horay uga mid ahaa Ciidamadii Milateriga Soomaaliya qeybta Madaafiicda Goobta isla markaasna hadda ka mid ah kooxaha u ololeeya Daamul Jadiid.

Sidoo kale waxaa la sheegayaa in dhawaan marka la soo dhiso xukumad cusub ama tan hadda jirta isbedel lagu sameeyo ay dhici doonto in xilka qaadis lagu sameeyo dhamaan qaybaha kala duwan ee taliyeyaasha ciidamada xooga dalka soomaaliya kuwaasi oo qaarkood mudo sanad ka yar ay xilka hayeen.

Admiral Faarax Qarre ayaa tan iyo sanadkii 2009 ahaa Taliyaha Ciidamada Badda Soomaaliya, isagoo lagu tiriyo dadka aqoonta u leh culuumta Badda iyo sharciyadeeda.

Ugu dambeyntii Soomaaliya ayaan laheyn Ciidamo ilaaliya xeebaha oo awood u leh inay ka hortagaan burcad badeeda iyo sugida ammaanka xuduud badeedyada, iyadoo xilligan Xeebaha Soomaaliya ku sugan yihiin Maraakiib dagaal oo ka socda quwado shisheeye, kuwaasoo la dagaalamaya burcad badeedka Soomaalida.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com