Kooxo Hubeysan Oo Xalay Weeraray Hotel Ku Yaala Maagalada Boosaaso.

0

boosaasoBoosaaso (AGGM): Wararka Naga soo gaaraya Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa ku Waramaya in Kooxo hubeeysan ay weerar ku qaadeen xalay Hotelka ku yaalla bartamaha Magaalada Boosaaso.

Hotelka la weeraray ayaa la sheegay ineey daganaayeen Ajaaniib u dhashay Dalalka Sacuudiga iyo Yemen.

Kooxaha Weerarka qaaday ayaa la sheegay iney hadafkooda uu ahaa ineey afduubtaan Ajaaniibtaasi dagan Hotelkaasi,inkastoo aysna u suurto galin ka dib markii Iska caabin Xoogan ay kala kulmeen Ilaalada Hotelka.

Kooxaha weerarka ku qaaday Hotelka ayaa goobta ka baxsaday iyadoo si rasmi ah aan loo ogeyn qasaaraha ka dhasha

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com