Isgaarsiinta Kismaayo Oo Hawada Ka Maqan & Maleeshiyaadka Raaskambooni Oo Dhac Ka Wada Gudaha Kismaayo

0

Breaking_NewsKismaayo(AGGM) Xaalada Magaalada Kismaayo ayaa caawa kacsan waxaana hawada laga saaray isgaarsiintii ka hawlgeli jirtey gudaha Magaalada Kismaayo iyadoo aan si dhab ah loo ogeyn ujeedada ka dambeysa in maleeshiyaadka Raaskambooni ay Shirkadaha isgaarsiinta ku amraan inay hawada ka saaraan.

Sidoo kale waxaa wararka hadda Allgalgaduud soo gaarayaa shaacinayaan inay Maleeshiyaadka Raaskambooni baarasho iyo dhac ka wadaan xaafadaha Magaalada Kismaayo gaar ahaan xaafadaha Calanley,Dalcada & Guulwade,waxaana la sheegayaa inay halkaasi ka dhaceen hanti dad shacab ahi lahayeen.

Maleeshiyaadka Raaskambooni ayaa la sheegayaa inay isgaarsiinta u damiyeen sidii ay u dhaci lahayeen hantida shacabka Magaalada Kismaayo iyagoo maalmihi la soo dhaafay gudaha Magaalada Kismaayo ka wada dhibaato xoogan isla markaasna dilal kala duwan u geystey ganacsato ka soo jeeda Magaalada Kismaayo.

Maleeshiyaadka Raaskambooni ayaa la sheegayaa inaysan maalmihi u dambeyey cidna ka amarqaadaneyn isla markaasna ay sida ay doonaan u dhaqmayeen,waxaana la sheegayaa in iyaga dhexdooda khilaaf xoogan soo kala dhexgalay kaasi oo sababay inay qabiil qabiil u kala baxaan.

Ugu dambeyntii waxaa taalabadan ku soo beegmaysaa xilli Maalmihi la soo dhaafay gudaha Magaalada kismaayo ay qaraxyo xoogan ka geysteen maleeshiyaadka Alshabaab. Sidoo kale waxa magaalada Kismaayo lagu dilay dhawr ruux oo isugu jirey ganacsato iyo waxgarad Magaalada Kismaayo ka soo jeeda kuwaasi oo qaarkood lagu dhex toogtey gudaha xarunta maamulka juba iyadoo aan gacan lagu dhigin dadkii dilkaasi fuliyey.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com