Top News: Xildhibaano Badan Oo Isaga So Haluulay Madaxweyne Xasan Sheekh Lana Saftay R/wasaare Saacid Wadada Sharciga Ah Ee Uu Ku Taagan Yahay.

0

WarbixinMuqdisho (AGGM): Wararka naga soo gaaraya caawa magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in Xildhibaanadi ugu badnaa ee la safnaa Madaxweyne Xasan Sheekh ay mar qura isaga soo haluuleen kadib marki ay arkeen wadada sharci darada ah ee uu ku socdo iyagoo soo garab istaagay R/wasaare Saacid iyo wadad sharciga ah ee uu ku socdo.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in Xildhibaanada ay si wanaagsan u arkeen qaladka iyo wadada marin habaabinta sharciga ee uu ku taagan yahay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Xildhibaan ka mid ah Xildhibaanada badalay fikirkooda ee khilaafka Madaxweynaha iyo R/wasaaraha marki horena la safnaa Madaxweynaha ayaa waxa uu u xaqiijiyay warbaahinta allgalgaduud Media “Adeeroow intaan ka badan dalka iyo dadkaba dan umma aha in maalin walbaa lagu hago sharci daro iyo musuq maasuq, waqtigan waxaa la soo gaaray in dalka lagu hago sharciga u dagsan, qof ka weyn sharcigana ma uu jiro, Soomaaliya waa ay ka daashay musuq maasuq iyo sharci daro”. waa sida uu hadalka u dhigay Xildhibaanka.

Dhinaca kale waxaa jira warar si hoose ay ku heshay warbaahinta Allgalgaduud Media oo sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh ay cadaadis baaxad weeyn ku hayaan beesha Caalamka, Hay’adaha deeq bixiyeyaasha, QM iyo dowladdaha ay ciidamadu ka joogaan dalka Soomaaliyaoo dhamaantood aaminsan in waqtigan in munaasab aysan ahayn xarag jiid siyaasadeed iyo khilaaf ayna doonayaan in mooshin aan laga keenin xukuumada uu hogaamiyo R/wasaare Saacid.

Isku soo wada duuboo waxaad moodaa in Madaxweyne Xasan Sheekh ay talo ku cadahay, warankina waa uu tuuray halkuu rabayna lama uusan helin, waloow siyaasadu aysan lahayn saaxiib joogta ah, balse ay leedahay dano joogto ah, saacad walbana  wax walba isbadali karaan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com