Xildhiban Cabdulqaadir ” Mahad Cabdalla Cawad Waa Tuug,Waana Nagu Been Abuurtey ”

0

kulankii-baarlamaanka-4Muqdisho(AGGM) Xildhibaan Cabdulqaadir Maxamed  oo ka mid ah xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya ee hadda ku sugan Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa ka hadlay kulankii dhicisoobay ee shalay ka dhacay xarunta Baarlamaanka,waxaana uu xildhibaankaasi shaaciyey in magaciisa lagu been abuurtey.

Xildhibaan Cabdulqaadir Maxamed oo saxafada kula hadleyey magaalada Muqdisho ayaa daboolka ka qaaday inuu magaciisa ka dhex maqlay kulankii shalay isagoo sheegay in magaciisa lagu been abuurtey isla markaasna layska soo qortey magaciisa,waxaana uu daboolka ka qaaday inuusan hawshaas waxba kala socon.

Xildhibaankan waxaa uu shaaciyey in Mahad Cabdalle Cawad uu ku been abuurtey isla markaasna uu meel kaga dhacay sharaftii iyo jirintaan baarlamaanka soomaaliyeed,waxaana uu sheegay inuu iibsaday masabkii iyo sharaftii baarlamaanku lahaa isagoo ku been abuuranaya,waxaana uu shaaciyey inuu aad uga xun yahay in qof noocaas ahi xubin ka ahaado baarlamaanka.

Waxaana hadaladiisa ka mid ahaa ” Mahad Cabdalla Cawad waa nagu been abuurtey sharciga baana la tiigsaneynaa,waxaas oo dhan isagaa ka dambeeya, waayo anagoo jooga Muqdisho buu nagu been abuurtey,waxaana jira xildhibaano badan oo sidaas oo kale loogu been abuurtey kana maqan dalka,taasna waa mid lagu xisaabtami doono Mahad cawad”.

Ugu dambeyntii xildhibaankan waxaa uu daboolka ka qaaday in dhibaatada dalka ka jirta ay masuuliyadeedda qaadayaa Madaxweyne Xasan Shiikh iyo xubnaha la safan,waxaana uu sheegay inay ku fashilmeen talaabadii tuuganimada ahayd ee shalay ka dhacday xarunta baarlamaanka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com