Xildhibaannada Baarlamaanka Oo Maanta Guda galay Akhrinta Labaad ee Hindise Sharciyeedka Dhismaha Bankiga Horumarinta Soomaaliyeed

0

1480767_10151826912556089_1629522050_nMuqdisho(AGGM) Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho waxa ay ku gudagaleen Akhrinta Labaad ee Hindise Sharciyeedka Dhismaha Bankiga Horumarinta Soomaaliyeed, ayadoo kulankana ay Xildhibaannada Baarlamaanku su’aallo ku weeydiiyeen Gudoomiyaha Bankigan.

Kulanka Baarlamaanka ee maanta waxaa soo xaadiray 198Xildhibaan ayadoo uu shir Gudoominayey Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo isagu khudbaddiisa furitaanka kulanka uga hadlay arimmo ay go’aan ka gaareen Xildhibaannada Golaha Shacabka, kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen Boosaska Xildhibaannada geeriyooda iyo in taasi ay leeyihiin Odayaasha dhaqanka ee markii hore soo xulay Xildhibaannada, ayadoo taasina laga fiirinayo galalka feylashooda.

Xildhibaannada Baarlamaanka ayaa sidoo kale kulankooda waxa ay ku ansaxsadeen laba shaqo oo cusub kuwaasi oo kala noqonaya in bishii mar ay Xildhibaannadu yeeshaan kulan ay Albaabada u xiranyihiin oo saxaafadda ay dibad joog ka tahay, kaasi oo ay uga hadlayaan dhaliilaha jira iyo sida loo sixi karo, ayadoo shaqada labaad ee ay Goluhu ansaxsadeenna ay tahay in bishii mar ay kulan la qaataan Shacabka kaasi oo loogu magac daray dhageysiga Guuxa dadweynaha.

Intaasi kadib Xildhibaannada Baarlamaanka ayaa gudagalay Akhrinta Labaad ee Hindise Sharciyeedka Dhismaha Bankiga Horumarinta Soomaaliya, ayadoo Xildhibaannadana uu ugu horeyn ka hor hadlay Gudoomiyaha Bankigan Mudane Prof C/laahi Axmed Afrax oo mudaneyaasha Baarlamaanka u faah faahiyey bankigan iyo qorsheyaashiisa kadibna waxa ay Xildhibaannada Baarlamaanku weeydiiyeen su’aallo ku saabsan Dhismaha Bankiga Horumarinta Soomaaliya.

Gudoomiyaha Bankiga Horumarinta iyo Dib u Dhiska Dalka Prof C/laahi Maxamed Afrax ayaa mudaneyaasha Baarlamaanka uga jawaabay su’aallihii ay weeydiiyeen iyo soona dhaweeyay talooyinkii ay soo jeediyeen, isagoo sidoo kalena faah faahin ka bixiyey in hindise sharciyeedka dhismaha Bankigan uusan ka hor imaan shuruucda kale ee uu dalku leeyahay.

Akhrinta Labaad ee Hindise Sharciyeedka Dhismaha Bankiga Horumarinta iyo Dib u Dhiska Dalka ayey Mudaneyaasha Baarlamaanku sii amba qaadi doonaan maalinnimada berrito ah ayadoo Xildhibaanno gaaraya Sideed Xildhibaanna ay u harsanyihiin weli iney su’aallo weeydiiyaan gudoomiyaha Bankigan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com