Wasiirka Warfaafinta oo sheegay in dhawaan la howlgelin doono Madbacaddii Qaranka “Sawirro”

0

473Muqdisho(AGGM) Kormeerka uu maanta Wasiirka Warfaafinta Isgaarsiinta iyo Gaadiidka Mudane Cabdulaahi Ciilmooge Xirsi ku tagay Madbacaddii Qaranka ee degmada Shangaani oo ay hadda deganyihiin dad shacab ah ayaa u jeedada kormeerkiisa waxa ay aheyd inuu Wasiirku dar dar galiyo dadaalka uu ku doonayo dib u soo nooleynta Madbacada Qaranka,  waxaana ku wehlinayay kormeerkiisa, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfafinta, qaar kamid ah Agaasimayaasha waaxyaha ee Wasaaradda iyo Maareeyaha Madbacada Qaranka, waxa ayna soo  indha indheeyeen  dhamaan dhismaha ay ka koobantahay xarunta madbacadda.

Ugu horeyn Maareeyaha Madbacada Maxamuud Maxamed Juun ayaa u sharaxay Wasiirka iyo agaasimayaashi lasocday howlihi ay bulshada u qaban jirtay madbacada, isagoo tilmaamay in lagama maarmaan ay tahay sidii dib loo howlgelin lahaa madbacadii Qaranka.

Wasiirka Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Gaadiidka Cabdulaahi Ciilmooge ayaa ka hadlay kormeerka shaqo ee uu manta ku tagay Madbacaddii qaranka ee degmada Shangaani, waxa uuna sheegay inuu qayb kayahay komeerkiisa dadaal uu ugu jiro dib u soo nooleynta madbacadda.

“Waxaan soo kormeernay Madbacadii qaranka oo ka mid ah Hay’adaha hoos yimaada Wasaaradda Warfaafinta, waxaana qorsheyneynaa in aan dib u howgelinayo Madbacadda, dowlado badan ayaan heshiis la galnay oo ku saabsan in nalaga caawiyo sidii Madbacadda Qaranka u howlgeli lahayd” ayuu Wasiirku hadalkiisa ku daray.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay inay qorsheynayaan inay dib u soo celiso Wasaarada Naadigii Madbacadda Qaranka ee ka dhisnaanjiray dalka bur burki kahor.

“Waxaad ka warqabtaan in aan kal hore howgelimay Naadigii Otobar-ka ee gaadiidka, hadana qorshaheenu waxa uu yahay in aan markale dib u soo nooleynta Naadigii Madbadda qaranka oo aan anigu runtii taageero u ahaa” ayuu markale Wasiir Ciilmooge hadalkiisa ku daray.

Wasiirka Wasaarada Warfaafina oo ay wehliyeen qaar kamid ah agaasimayaasha waxyaha ay ka koobanta Wasaaradda oo uu kamid yahay Agaasimaha Gaadiidka Cali Gacal Gaaboow waxa ay kulan kooban oo is wareysi ah xarunta waaxda gaadiidka kula qaateen qaar ka mid ah howlwadeenada waaxdaasi, iyadoo mudane  Ciilmooge hadal kooban uu ka jeediyay kulanka ugu hambalyeeyay shaqada ay hayaan, waxa uuna ku guubaabiyay inay sii laba jiraan howlaha ay bulshadooda ugu adeegayaan.

Kormeerkaan shaqo oo uu maanta Wasiirku ku tegay Madbacaddii Qaranka iyo xarunta Gaadiidka ee Wasaaradda Warfaafinta ayaa qeyb ka ah dadaallada uu maamulka Wasaaraddu ku dar dar galineyso dib u howl galinta Madbacaddi hore ee Qaranka iyo dhiira gelinta shaqaalaha gaadiidka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com

3964734212189752473724277