Xildhibaanada Baarlamaanka Oo Golaha Shacabka Ku Qulqulaya & Qorshaha Degan

0

war-h2Muqdisho(AGGM) Iyadoo dhawaan xildhibaano tiro yar ay mooshin ka dhan ah raisalwasaara cabdi faarax shirdoon keeneen waxaa saaka suuro gashay in xildhibaanada baarlamaanku ku diyaar garoobaan sidii loo qaybin lahaa qorshaha mooshinka ka dhanka ah raisalwasaaraha iyo arrimo kale oo baanka khuseeya.

Xildhibaanadii tiradda yaraa ayaa la sheegayaa inaysan qaarkood soo xaadirin balse la sugayo,waxaana lagu wadaa in maanta mooshinkaasi loo qaybiyo xildhibaanada si ay u soo akhriyaan,waxaana wararku sheegayaa in arrintaasi saameyn weyn ku yeelatey koox diimeedka Daamul jadiid oo damacoodii siyaasadeed noqday mid fashilma.

Xildhibaanada ayaa la sheegaya inay banadkoou tageersan yihiin qorsha raisalwasaaraha soomaaliya,waxaana wararku tibaaxayaan in koox diimeedka daamul jadiid oo jaah wareer siyaasadeed soo foodsaaray saacadihi la soo dhaafay ay codsadeen in arrinta waan waan lagu xaliyo isla markaasna aan baarlamaanka la horgeyn.

Wadamada deriska ah iyo beesha caalamka oo wadata qorsha ka socda caasimadda soomaaliya ee Muqdisho ayaa la sheegayaa inay gacan ka geysanayaan sidii kooxda daamul jadiid looga taqalusi lahaa isla markaasna saxada siyaasada soomaaliya looga saari laha,waxaana la sheegaya in qorshahaasi uu socdo sidii loogu tallo galay.

Ugu dambeyntii wararka qaarkood oo aan la hubin ayaa shaacinay in lagu wado in la laalo mooshinka ka dhanka ah raisalwasaaraha isla markaasna xaaladu waji kale yeelato oo loo gudbo sidii koox dimeedka Daamul jadiid looga taqalusi laaha,waxaana la sheegaya in qorshahaasi yahay mid hore loo deyjiyey bilihi la soo dhaafay.

Isha Ku hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com