War Deg Deg Ah: Shirdoon Oo Kulan La Leh Golaha Wasiiradda Iyagoo Dhamaan Soo Xaadirey

0

Dr__saacid_1(1)Muqdisho(AGGM) Raisalwasaaraha dawlada federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon ayaa hadda kulan muhiim ah la leh golaha wasiiradda dawlada federaalka ah ee Soomaliya,waxaana kulankaasi balanka ka jooga dhamaan bahda saxafada soomaalida.

Kulankan waxaa soo xaadirey dhamaan golaha wasiiradda xukumada federaalka ah mana jirin wasiiradda dalka gudihiisa ku sugan cid ka maqan iyadoo maalmihi la soo dhaafay aysan kulamadii hore qaarkood soo xaadirin iyagoo la kala safnaa labada dhinac balse maanta u muuqda inay soo xaadireen xod xodashan wadaan ka dib marki ay ogadeen xaqiiqda dhabta ah ee dalka ka jirta.

Kulankan ayaa wararka qaarkood sheegayaan in looga hadlayo xaaladihii u dambeyey ee dalka soomaaliya sida qaraxyadii dhawaan ka dhacay Baladweyne,dagaaladii ka dhacay Shabeelaha hoose & shabeelaha dhexe,waxaana laguw adaa in kulankaasi diiradda lagu saaro sidii arrimahaasi wax badan looga qaban lahaa.

Ugu dambeyntii kulankan ayaa hadda ka socda Xafiiska Raisalwasarahaa waxaana lagu wadaa in kulankaasi uu soo afmeero saacadaha soo socda isla markaasna laga yaabo laga soo saaro warsaxafadeed muhiim ah oo ku aadan xaalada dalka hadda ku jiro iyo arrimo khuseeya kulankaasi baarlamaanka maanta ee fashilka ku soo dhaamaday.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com