War Deg Deg Ah: Kalfadhigii Baarlamaanka Oo Fashil Ku Dhamaaday,Laguna Kala Dareeray

0

war-h2Muqdisho(AGGM) Kulankii baarlamaanka dawlada federaalka ah ee Soomaaliya ayaa hadda ku soo dhamaaday fashil iyadoo maanta qorshuhu ahaa in loo qaybiyo Mooshin ka dhan ah Raisalwasaaraha Soomaaliya,waxaana kulankaasi maanta ahaa mid loo soo diyaar garoobay isla markaasna ay doonayeen in loo qaybiyo warqadaha Mooshinka ka dhanka ah Raisalwasaaraha.

Xildhibaanada mooshinka keenay ayaa la sheegay inay warqadaha mooshinka ka dhanka ah Raisalwasaaraha aysan ku saxeexneyn,isla markaasna waxaa la xaqiijiyey in liiskoodu ahaa magacyo kaliya taasi oo keenteyin lagu kala dareero kulanka,waxaana halkaas ka dhashay muran.

Xildhibaanada tageersan raisalwasaaraha ayaa la sheegay inay ku doodeen in magacyada liiska xildhibaanada mooshinka ka keenay raisalwasaaraha aysan saxeexneyn,waxaana sidoo kale sheegeen in liiska uu yahay mid layska soo qortey oo aysan xildhibaanada qaarkood aysan ka war hayn.

Sidoo kale xildhibanada tageersan Raisalwasaaraha ay shaaciyeen in arrintani tahay sharci darro isla markaasnna xildhibaanada qaarkood lagu been abuurtey magacyadoodana la soo qortey,waxaana taasi dhabar jab iyo fadeexad ku noqotey koox diimeedka daamul jadiid.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Jawaari oo shirka gudoominayey ayaa sidoo kale ku tilmaamay mid sharci darro ah mooshinkan qaabka loo soo qorey waxaana uu shaaciyey inuu dib u dhigey arrintan ilaa bishan hadda lagu gudo jiro 30 keeda oo ku beegan maalin sabti ah.

Ugu dambeyntii doonta kooxda daamul jadiid ayaa la aaminsan yahay inay degi doonto maadama ay maanta ku fashilmeen kalfadhigii baarlamaanka isla markaasna ay ka caroodeen xildhibaano badan oo magacyadooda lagu been abuurtey,waxaana uu gudoonka baarlamaanku shaaciyey in sabtida dambe arrintaasi lagu noqon doono isagoo sidoo kale xildhibaanada mooshinka keenay kula dardaarmay inay soo saxeexaan runtana ka sheegaaan mawqifkooda.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com