War Deg Deg Ah: 174 Mudane Oo Tageersan Shirdoon Oo Hadda Shir Uga Socdo Hotel City Plaza

0

hotelMuqdisho(AGGM) Xildhibaanada tageersan raisalwasaaraha soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon oo tiradoodau kor u dhaaftey 174 mudane ayaa hadda kulan qaado uga socdaa Huteelka City Plaza ee Magaalada Muqdisho halkaasi oo lagu wado inay kaga soo saaraan Shir jaraa’id oo ku aadan qaabkii maanta wax uga dhaceen xarunta baarlamaanka.

Xildhibaanada ayaa daaha ka qaaday in mawqifkoodu yahay inay tageero buuxda siyaan xukumadda Raisalwasaara Cabdi Faarax Shirdoon,waxaana xildhibaanada hadda ku sugan yihiin Hotel City Plaza ee Magaalada Muqdisho,waxaana ay shirkooda jaraaid kaga hadlayaan been abuur laga sameyey qaarkood oo warqado lagu soo qortey magacyadooda.

Kulankan maanta waxaa tageeroyaal badan ku helay Raisalwasaarah Cabdi Faarax Shirdoon ka dib markii xildhibaano aan labada dhinac midna tageersaneyn magacyadooda lagu been abuurtey isla markaasna la sheegey inay keeneen mooshin ka dhan ah raisalwasaaraha.

Xildhibaanada ayaa shaaca ka qaaday inay si toos ah ugu biireen tageerayaasha Raisalwasaaraha Soomaaliya,waxaana shirkooda jaraa’id kaga hadli doonaan mawqifkooda ku aadan jirintaanka Xukumada Shirdoon iyagoo lagu wado inay sii laba jibaaraan tageeradda ay u hayaan Raisalwasaaraha taasi oo meesha ka saareysa jiritaanka kooxda Daamul jadiid.

Ugu dambeyntii Xildhibaanadan ayaa lagu wadaa inay shirkooda Jaraa’id ka soo saraan kulankooda hadda uga socda Hoteel City Plaza ee Magaalada Muqdisho,waxaana la sheegayaa in xildhibaanadu cod dheer ku sheegi doonaan inay diidan yihiin rabitaanka kooxda Daamul Jadiid.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com