Somaliland “Waxaan caddaynayaa inaanu jirin wax khilaaf ah oo noo dhexeeya aniga iyo Danjiraha Wareega”

0

Cali-adanHargeysa(AGGM) Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Ingiriiska Amb. Cali Aadan Cawaale, ayaa been aan sal iyo raadtoona lahayn ku tilmaamay war sheegayay in isaga iyo safiirka wareega ee Somaliland is khilaafeen, isla markaana safiirka wareega laga hor istaagay goobtii laga maamulayay xafladii qaadhaanka loogu ururinayay jidka isku xidha Burco iyo Ceerigaabo.

Safiir Cali Aadan Cawaale waxa uu sidaasi ku sheegay war-saxaafadeed uu maanta soo saaray oo nuqul ka mid ahi nasoo gaadhay kaasi oo u dhignaa sidan

“Waxaan halkan ku beeninaynaa warka mala awaalka ah ee ay qortay Salaanmedia shalay oo taariikhdu ahayd 21/11/2013, warkaas oo meel ka dhac ku ah karaamada iyo sharafta masuuliinta qaranka Somaliland iyo weliba Munaasabaddii dhaqaale ururinta ee loo qabtay waddada halbowlaha u ah dalkeenna ee isku xidha magalooyinka Ceerigaabo iyo Burco.

Waxaan halkan ka caddaynayaa inaanu jirin wax khilaaf ah oo noo dhexeeya aniga iyo Danjiraha Wareega Ee Jamhuuriyadda Somaliland Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed, balse wada shaqayn wacani naga dhaxayso, isla markaana uu been yahay qoraalka sheegaya in laga hor joogsaday madashii laga hagayey shirkii dhaqaale ururinta waddada ee ay faafisay mareegta aan kor ku sheegay.

Waxan usoo jeedinaynaa Warbaahinta Somaliland inay ka digtoonaadaan wararka mala-awaalka ah ee danaha qaldan laga leeyahay, kuwaas oo dhaawici kara wax-qabadka danta qaranka ee dadkeenu dhexda u xidheen.

Waxan ku soo xidhayaa qoraalkan inuu Amb, Kaysar sharaf iyo qadderin culus iga mudan yahay kana mid ahaa madaxda qaybta libaax ka qaatay habsami u socodkii shirka isla markaana safka hore fadhiday habeenkaa kana Hadlay Madasha. “Nimba wuxu ku dialn yahay halkuu daacad kaga hadho –Ab Hadraawi”.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com