Rajab Dayib Erdogan “Waligey Ma Xushmeyn Doono Kuwa Afgembiga Ka Sameeyey Masar”.

0

Recep-Tayyip-Erdogan-007Ankara (AGGM): Rasul Wasaaraha dalka Turkiga Rajab Dayib Erdogan ayaa markale ku celiyey inuusan marnaba xushmad u heyn qolooyinka afgegembiyey madaxweynihii hore ee Masar Dr. Muxamed Mursi oo ciidamadu xilka ka tureen bishii June ee sanadkaan 2013.

Erdogan ayaa hadalkaan jeediyey kadib markii shalay dowladda KMG ah ee Masar ay dalkeeda ka ceyrisay safiirkii Turkiga u fadhiyey dalkaas, kadib markii maalmo ka hor R/wasaaraha Turkiga Erdogan uu dalka Rasia ka sheegay inuusan wax xushmad ah u heyn kooxda afgembiga ka sameeyey dalka Masar.

Rajab Dayib Erdogan ayaa sidoo kale sheegay inuu aqoonsan yahay madaxweynihii ciidamadu xilka ka tureen ee Dr. Muxamed Mursi oo xabsi ku jira, isagoo ku baaqay in xabsiga laga sii daayo.

Masar ayaa ku eedeysay Turkiga inuu faragelin ku hayo arrimaha gudaha Masar, waxeyna go’aamiyeen iney eryaan safiirka dalkaas, howsha dublamaasiyaeedna hoos loo dhigo oo uu shaqada sii wado sii haye safaaradeed.

Afhayeen u hadlay xukuumadda Masar Beder Cabdil-caadi ayaa sheegay iney go’aansadeen iney ceryiyaan danjiraha Turkiga, islamarkaana u yeertaan safiirkoda jooga dalkaas.

Madaxweynaha dalka Turkiga Cabdalla Guul ayaa sheegay inuu rajeynayo in xiriirka Masar iyo Turkigu kusoo laabto qaabkiisii hore, hase ahaatee afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha debadda Turkiga ayaa tibaaxay iney bixin donaan jawaab la mid ah tilaabada Masaarida saacadaha soo socda.

R/wasaaraha Turkiga Rajab Dayib Erdogan ayaa noqday hogaamiyihii ugu horreeyey ee adeegsada Ishaarada Raabacal Cadawiya ee 4-ta farood ee la taago, taasoo lagu yaqaano taageerayaashada madaxweynaha ciidamadu rideen ee Muxamed Mursi.

Warbaahinta Masaarida ah ee taageerta ciidamada Masar ayaa weerar ku heysa dalka Turkiga, iyagoo ku eedeynaya iney la safnyihiin Al-akhwanul Muslimiin.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com