Madaxweyne Xasan Sheekh Iyo R/Wasaare Saacid Oo Furaya Albaabkii Isbedelka!.W/Q: Amiin Yuusuf Khasaaro

0

khilaafMar aan booqdey mid ka mid ah Hotelada Muqdisho ayaa waxaa ku arkey Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka oo Shan Shan iyo Laba laba u fadhiya mid ka mid oo I garanayey ayaa intuu soo istaagey igu yiri “Wariye Raiisul Wasaare Saacid waa u Dhamaatey “ markaas baan ku iri “ oo sidee ayey ugu Dhamaatey “ markaasuu I yiri” inta Jaabka Warqad kala soo baxay oo i yiri” Fiiri Inta Xildhibaan ee ku saxiixan “ waxaan ku iri” oo maxay yihiin Xildhibaanada halkaan ku Saxiixan “markaasuu i yiri “Waa Xildhbiaanadii ridi lahaa Raiisul Wasaaraha “ inta yaabey ayaa waxaan iri “Waa yahay Mudane “ Warqadda uu I tusey waa magacyo keliya ,kuma Xusna Sababaha loo ridiyo Raiisul Wasaaraha marka waxaa ii soo baxadey in Xildhibaanada ay weli wax ka qaldan yihiin , waxaa ka sii yaab badan in Xildhibaanadii la is lahaa waa ugu roon yihiin in Siyaasadii Baarlamaanka ay ku lafa gurayaan Hoteelada Dhexdooda.

Xidhibaanadii hore ayaa Shacabka waxay u bixiyeen “Fadlan ku Shubo” maanta waxaa muuqata in Xildhibaanada jira maanta ay la soo baxeen Dhaqamadii hore ay u lahaan jireen Xildhibaanadii hore waxaana ka mid ah Kulamadii ka dhacay Hotelada, Warbaahinta oo laga hadlayo, is Xulufeysi, iyo qaab Qabiil oo loo shirayo marka waxaa Dhab noqon rabta in Xildhibaanadu aaney wax isbedel ah la imaan, waxaaba yaab leh markii la maqley in Madaxweynaha iyo Raisul Wasaaraha ayaa is Khilaafey ayaa waxaaba Durba soo yeerey Mooshin baa laga geeyey Wasaaraha , Hadaba in Mooshin laga geeyo Raisul Wasaaraha ma Xuma hase yeeshee Waxaan arrinkaan wax ka weydiiyey mid ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka oo diidey Magaciisa in la sheego waxaa uu yri “Sharci ma aha in Xildhibaanadu yiraahdaan Mooshin baa laga geeyey Raiisul Wasaaraha , waxaa ii muuqata in Khilaafka labada Masuul in looga faaiideysanayo Mooshin waxay ahayd in Xildhibaanadu Dhexdhexaad ka noqdaan Khilaafka taagan ama Xal ka gaaraan waxa ay isku hayaan Labada Masuul islamarkaan ay si qota dheer u ogaadaan waxa keeney Khilaafkal.

“Boqolkiiba Sagaashan iyo Sagaal labada Masuul waxay isku hayaan oo Khiaalfkoodu uu ka dhashey Liis uu Raiisul Wasaaraha uu u Gudbiyey Madaxweynaha oo ahaa isku Shaandheyn uu Golaha Wasiirdu uu ku sameeyey Raiisul wasaaraha taasoo u Cuntamiweysey Madaxweynaha markii uu liiska ka waayey Rag isaga ku dhow Dhow” ayuu yiri Xildhinaan ka tirsan Baarlamaanka mar uu ii waramayey diideyna in aan Magaciisa sheego waxaa uu sii daba dhigev “ Waxaa Xaqiiqo ah in Raiisul Wasaare Saacid uu yahay nin Af Gaaban markuu hadlayana si Qurux badan u hadlaya marka hadii uu Madaxweyne Xasan meesha uu ka saaro Saacid uu keeno nin kale waxaa Dhab ah in hadii uu mar kale Khilaaf yimaado in meesha uu banayenayo Xasan Shiikh marka waxaan ku talinayaa in Khilaafka si hoose loo dhameeyo taasoo ummada Soomaaliyeed dan ugu jirata”

Marka Caalamka loo fiiri Khilaafka Labada Masuul waxay sheegeen raga Siyaasada Oodorsa in uu Sabab u noqon karo in wixii ka soo baxay Shirkii Brussels ee ay Dowladda Hanti fara badan looga yaboohay in ay meesha ka baxda oo Caalamku uu u arka Dowladda maanta jirta mid aan ka shaqeyneyn Danaha Ummada Soomaaliyeed islamarkaana aan ka Duwanayn Dowladhii Ku meel gaarka ahaa ,sidoo kale Siyaasiyiintaan waxay leeyihiin Khilaafkaan waa u jirey markii horeba waayo Wasiiradii Madaxweynah uu keeney ayaa waxay la shaqeyn waayeen Raiisul Wasaaraha ,waxaana jira warar sheegaya in Shirka Wasiirada ay inta badan aaney soo xaadirin Wasiiradaas, iyadoo dadka u kuur gala Siyaasada Soomaaliya ay leeyihiin Raisuul Wsaaraha waa uu Dul qaatey waayo Dastuurka ayaa u saamaxaya in wasiirkii aan Gudan Shaqadiisa uu Raiisul Wasaaraha uu eryi karo,hase yeeshee taasi ma sameyn Raiisul Wasaaraha ee waxay ahayd arrintu in Raiisul Wasaare Saacid ee ragaas meesha ka saaro Amaamusnaatiisi iyo Dulqaadashadiisa waxay keentey in markii uu damcay in uu bedelo uu Madaxweynaha uu ku Gacansayro oo isagiiba la yiraahdo Iscasil”.

Sida ay Shacabka hore u sheegeen mar ay ka hadlayeen Khilaafka Labada Masuul ayaa yiri “waa Malkiilayaal iyo Shaqaale waxa is haya waayo Kursiga Koox ayaa lacag badan ku bxisey marka oo meesha iskama imaan marka Kooxda Saacid waa Shaqaale marka Malkiilayaal iyo Shaqaale is qabtaan waxaa meesha ka baxay Shaqaalihii sidaa Darteed dadka Soomaaliyeed waxaan leeyahay iska suga marka ay Timaado Doorasho Xalaal waxaana Xaqiiqo ah in Dowladaan ay raacdey wadadii kuwii ka horeeyey Suurta galna ma aha in labada masuul inta heshiiyaan sidaa loo wada shaqeeyo, sidoo kale Baarlamaankii ayaa isna marey mid la mid ah Wadadii kuwii ka horeeyey oo waqtigoodii ku dhamadey is qab qabsi Dhexdooda ah , Qolo kale ayaa qabta in Iscasilaada laga Dalbadey Raiisul Wasaare Saacid ay tahay mid la doonayo in lagu baabi’yo Fadeexadii lagala kulmey Gudoomiyihii Banki-ga Dhexe Yusur Abraar ka dib markii ay is Casishey maalmo ka dib iyadoo sheegtey in Sababah ay isku Casishey ay tahay Hanjaabdyo ugu yimid Rag ku dhow Dhow Madaxtooyada .

Bulshada Rayidka oo iyadu Kulan ka qaadatey Khilaafka u dhaxeeya Madaxweyne Xasan iyo Raiisul wasaare Saacid waxayna Codsadeen in marka hore Bulshada loo Cadeeyo waxa la isku Khiaafey ,waxay kaloo soo jeediyeen in Xildhibaanada Baarlamaanka ay Dhexdhexaad ka noqdaan Khilaafka Labada Masuul, waxay sidoo kale ay soo jeediyeen in Hantida Ummada Soomaaliyeed ee ay hayaan aan loo istcmaalin Danno gaar ahaaneed , waxay Bulshada ka Codsadeen Golaha Wasiiradaay ay sii wadaan Howsha ay Bulshada Soomaaliyeed u hayaan , sidoo kale waxayna Bulshada ay Khilaafkaas u saareen Laba Guddi oo mid uu yahay La Xaajoodka Labada Dhinac iyo Guddi loogu magacdarey Guddiga Wacyigelinya hadaba maxay ka bedeli karaan Bulshada rayidka Khilaafka labada Masuul iyadoo la og yahay in aaney horey u dhiicin Khilaaf la xaliyey si loo wada shaqeeyo.

Ugu Dambeeyn Khilaafka Madaxweynaha iyo Raiisul Wasaaraha ayaa la ogeyn halka uu ku dambeyn doono iyadoo dadka qaar ay leeyihiin Raiisul Wasaare Saacid uu yahay nin aan dheg jalaq u siinin wararka maalmahaan la isla dhex marayey oo ay wadeen qaar ka mid Xildhibaanada oo ah in Mooshin la keeney markii lagala Quustey in uu Iscasilo taasina waxay ku tusineysdaa in Raiisul wasaare Saacid uu u muuqda nin aan sidaa ku tageyn sidoo kale Madaxweynaha ayey leeyhiin Dadka qaarkii in ay dani ugu jirto in Raiisul Wasaare Saacid uu sii Shaqeeyo waayo haddii maanta la furo Wadada lagu Bedelayo Masuuliyiinta Dowlada in ay iyana Qolada maanta u Durbaan Tumineysa in iyana markooda la eryi doono marka waxaa Qoraalkaan ku soo Gabagabeynayaa Xasan iyo Saacid oo Furaya Albaabkii Isbedelka

W/Q: Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com