Ma Dastuurka Ayaa Sabab U Ah Khilaafka Madaxda Dowladda, Mase Dhinac Ka Mid Ah Baa Doonaya Inuu Isticmaalo Awood Dastuuri Ah Oo Uusan Laheyn? W/Q. Dr Dahir Nur Jama (Dr Truman)

0

Dr_-Truman5Dad baa waxaay ku andacoodaan inuu dastuurka hadda jira uu sabab u yahay khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha iyo Raysalwasaaraha, su’aasha la isweydiin karo baa waxaay tahay ma jirtaa inuu dastuurku sabab u yahay? Jawaabtu waa maya waayo awoodahah ay kala leeyihiin madaxda dowladda waa wax si hufan ama qeexan ugu cad dastuurka qabyo qoraalka ah, haddii uusan jirin dastuur kale oo waddanku leeyahay. Arrintu haddii ay noqoto waxaan jeclaan lahaa ama fiican madaxweyne ka awood badan raysalwasaaraha marka laga hadlaayo awoodaha dastuuriga ah,ama raysalwasaare leh awood dastuuri ah,marka waqtiga hadda aan joogno ma ahan arrin ku leh saameyn dastuurka hadda jira waana in asaga lagu dhaqmaa sida uu yahay waayo asaga ayey ku cad yihiin awoodaha dastuuriga ah ay kala leeyihiin madaxda sare ee dowladda soomaaliya.

Dastuurka qabyo qoraalka ah waxaa soo diyaariyey quburo aan aheyn soomaali, soomaaliduna way ku lahaayeen saameyn aan sidaa u badneyn,sidaa awgeed quburada shisheeyaha ah ee soo diyaariyey dastuur kaan waxaay ahaayeen dad aqoon weyn u leh sharuucda iyo nadaamyada dowliga sidaa awgeed maadama soomaaliya nadaamkeedu yahay (Parliamentarian System) sababtaa awgeed ayey madaxweynaha uga dhegeen madaxweyne sharafeed, iyo raysalwasaare leh awood dastuuri ah kuna qeexan dastuurka soomaaliya leedahay mana ahan mid indhaha laga qarsan karo waayo ummad walba dastuur bay leedahay kuna dhaqantaa isla markaana dastuurku waa sharci aasaasi ah,sharuucda kale oo dhan asaga ayey ka abuurmaan sharci ka soo horjeeda dastuurka sharci ma noqon karo, sida awgeed masuul kasta waxaa xil ka saran yahay inuu ku dhaqmo dastuurka,isla markaana ilaaliyo karaamada uu leeyahay dastuurku haddii kale wuxuu noqonayaa dambiile ku xad gudbay dastuurkii dalka u yaalay.

Sidaa awgeed ma ahan in marmarsiiyo laga dhigto dastuurka ayaa qaldan oo keeney khilaafka fekerka noocaas ah sal iyo raad ma lahan waayo dastuurku wuxuu ka tarjumayaa nadaam ah “Parliamentarian System”. Marka laga hadlaayo dhilaalaha dastuurka qabyo qoraalka ma ahan kuwo ku saabsan awoodaha dastuuriga ah ay kala leeyihiin madaxda sare ee dowladda, mana ahan mid loogu tala galay dowladda hadda jirta ama madaxda dowladda hadda jirta waa mid loogu talagalay ku dhaqankiisa dowlad kasta oo soomaalidu yeelato.Meelaha laga arki karo dastuurka qaladaadkiisa waxaa ka mid ah qodobbada ku saabsan awoodaha uu siinayo maamul goboleedyada ama dowlad goboleedyada iyo meelo kale oo badan,laakiin awoodaha qeexan uu kala siiyey madaxda dowladda waa system parliamentarian ah waana wax aan muran ku jirin taas,dadka soo shaqeeyey ma ahan kuwo ay hooseyso aqoontooda, laakiin kuwo eedeynta dusha uga tuuraya dastuurku yahay mid abuuraya khilaaf dhinaca awoodaha dastuuriga ah ee madaxweynaha iyo raysalwasaaraha waxaay la mid yihiin( Cali Garleh, Caydiidna Garleh) fekerka noocaas ahna kama shaqeeyo adduunka aan maantay ku nool nahay.

Marka aan fiirino awoodaha dastuuriga ah ay kala leeyihiin madaxweynaha iyo raysalwasaaraha, islamarkaana aan eegno sida uu ku yimid khilaafku waxaa muuqaneysa inuu madaxweynuhu yahay nin awood uusan laheyn isticmaalaya, micnaha awood marooqsi waana wax loo wada jeedo cidda khilaafka Abbaaha u ah,sida ku qeexan dastuurka Qodobka 90-aad wuxuu qeexayaa awoodaha dastuuriga ah uu leeyahay madaxweynaha,isla qodobkaas Firqadiisa (D) waxaay qeexeysaa sidatan:
Appoint the Prime Minister, and to dissolve the Federal Government if it does not get the required vote of confidence from the House of the People of the Federal Parliament by a simple majority (50% +1); Iyadoo Afsoomaali ahna waxaay qeexeysaa sidatan:

Wuxuu magacaabayaa xilka Wasiirka Koowaad wuxuuna xilka ka qaadayaa ama kala dirayaa Xukuumadda Federaalka haddii ay waydo codka kalsoonida Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, oo ah cod hal-dheeri ah (50%+1). Awoodaha dastuuriga ah raysalwasaaraha waxaad ka arkeysaa inuusan madaweynuhu si toos ah uga qaadi karin raysalwasaaraha ilaa uu waayo codka kalsoonida ah baarlamaanka sida kor ku xusan iyadoo ah soomaali iyo english. Waxaa jira qodobbo kale isla markaana tilmaamayo awoodaha dastuuriga uu leeyahay raysalwasaaraha waana kuwaan sida ay u qoran yihiin:

Qodobka 100aad.

Xilka iyo Awoodda Ra’iisul-wasaaraha

Awoodaha Ra’iisulwasaaraha waa:

(a) Madaxa Xukuumadda Federaalka ah;

(b) Magacaabista iyo xil ka qaadista xubnaha Golaha Wasiirrada;

(c) Horgeynta Golaha Shacabka xubnaha Golaha Wasiirrada iyo Barnaamijka Xukuumadiisa si ay u siiyaan kalsooni.
(d) in uu qabto hawlaha kale ee loogu xilsaaray Dastuurkan ama sharci kale ee waafaqsan Dastuurkan qiyamkiisa. Asagoo English ahna waa sidaan:
Article 100. Responsibilities and Powers of the Prime Minister

The responsibilities of the Prime Minister are to:

(a) Be the Head of the Federal Government;

(b) Appoint and dismiss members of the Council of Ministers;

(c) Present the Council of Ministers and government program before the House of the People of the Federal Parliament to seek their endorsement;

(d) Carry out any other function conferred upon him or her by the Constitution or by any other law that complies with the Constitution and its underlying values.

Marka aan intaas ku sameyno qaymeyn Dasturkaan ma yahay mid abuuraya khilaaf mase cid baa dooneysa iney baal marto dastuurkii,isla markaana awood dastuuri a aysan laheyn isticmaasho.Waxaa inoo cadaaneysa ineyan muran Dastuurku keenay kana duwan isku qabashada arrimaha dastuuriga ah,waana arrin caadi ah taas laakiin dastuurkan waa kala qeexay awoodaha dastuuriga ah ee madaxweynaha iyo raysalwasaraha,waxaanan aaminsanahay dad aqon u leh professional ah, isla markaana aan dooneyn inuu ka yimaado isqabqabsi aan caadi aheyn lana mid ah waxa hadda ka socda. Waxa hadda socda waa madaxweyne doonaya inuu isku koobo hoggaankii dalka, hawlihii dastuuriga ahaa ee laanta fulinta doonaya inuu asagu u taliyo,waana wax ka baxsan awoodah dastuuriga ah uu leeyahay madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud.

Sidaa awgeed dadka ku eedeynaya inuu yahay Dastuurkaan mid abuuraya khilaafka madaxda ineysan arrintaas waxba ka jirin, marka la fiiriyo sida uu u kala qeexayo dastuurku awooadaha madaxweynaha iyo raysal wasaaraha waa muran ma doonto marka loo eego “Parliamentarian System” waa in sidaa loo fahmaa lana abaaro meesha ay sartu ka quruntay ama dhibaatadu ka imaaneyso waa Dastuurka aan lagu dhaqmeyn si toos ah lagu xadgudbayo waana Madaxweynaha qofka isku arkey inuu ka weyn yahay Dastuurkii lagu soo doorta. Waxaan xasuustaa maalintii la dhaarinyey Xasan Sheikh Maxamuud, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ilko Xanaf ayuu guddoonsiiyey Dastuurka markii la dhaariyey wuxuuna ku yiri ” Dastuurka Akhri” aniga maalintaas waxaan ku fekerayey sababta uu u leyahay Ilko Xanaf waa kan Dastuurkii Akhri iney ila aheyd gef waayo maadaama shaqsi madaxweyne loo doortey in la yiraahdo akhri way ila adkeyd laakiin hadda waxaan aqoonsaday ilko xanaf inuu saxsanaa waana midda maantay taagan muuqatana in Dastuurkii meel la iskaga tuuray oo aan la akhrinba waayo qofku markuu leeyahay xadaarad aqooneed isla markaana akhriyo dastuurka waa fahmi karaa waxa uu xaqa u leeyahay amase uusan xaq ulaheyn.

Waxaan ku soo koobayaa Dastuurku ma lahan dhaliil dhinaca awoodaha Dastuuriga ah ee madaxda dowladda, dhibaatadu waxaa waaye waa soomaali maryooley oo aan dowladni dooneyn waayo dadku marka ay doonayaan dowladnimo waa iney ku dhaqmaan Dastuurka iyo Sharuucda kale ee dalka u yaalla. Shacabkana waxaa laga doonayaa iney ka horyimadaan kuwa ku tumanaya Dastuurkii ummadda kala hagayey.

W/Q. BY Dr Dahir Nur Jama ( Dr Truman)

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com