HADII DAB DHAXAMOODO, MAXAA LAGU DIIRIYAA?

0

GEDSC DIGITAL CAMERADadka Soomaaliyeed meel kasta ee uu joogaba, waan salaamayaa.

Waxaan idinka codsanayaa inaad ujeeddadeyda si fiican u fahantaan.

Fikarkeygu maaha mid cid gaar ah u hiillinaya.

Waliba waxaan ka mid ahay dadka jecel in PM madax weynaha ka amar qaato.

Waxa iga dhawaajinayaa:- Waa inaan u jeedo qabbarac (disaster) qaran oo ii muuqda.
Haddii soddomeeyaha wasiir ee GW-DU ka kooban yahay, macaa PM koodu wada dhintaan oo markaan soo xabaallo aan u nimaadno M/Weynihii oo mayd ah,

Wali qarankeennu waa jiri karaa, maxaa yeelay, Barlamaankii ayaa jooga oo M/W cusub ayaa hal-haleel loo dooranayaa.
Haddiise BarlamaanKu dhinto, qaran dambe ha sugin anna sugi maayo.
Haddii golaha shacabku sharafta iyo aaminaadda dhumiyo, barkaas Barlamaan ma jiro ee shaqsiyaad dadku yaso ayaa meelaha tag-taagan.

Waxaa maata laga sugayaa mudanayaasha in gar tastuuri ah naqaan ee laga sugi mayo inay mooshin marrin habaabin ah keenaan.

Waxaan Barlamaanka iyo Madaxdiisa uga digayaa inayna haadaantaas (god dheer) ku dhicin.
Hadday rabaa, intay galinka hore khilaafka si un u xalliyaan, markii madaxa la kala qaado, MOOSHIN dawladda ha ka keeneen oo xitaa ha ku rideen.

Mudanayaal iyo murwooyin ila akhrista tixdaan gaaban ee loogu magacdaray ‘hunguri’

 

1. Nin hunguri u iishaa inuu harayo weeyaan,

2. Qofkii hoo yiraahdaba inuu daba hubleyn weeye

3. Sidii naylo heeca inuu hoos galgan weeye.

4. Haruubkii la qaadaba inuu halabsan weeyaan.

5. Markii laga hor laystana inuu oohin hiban weeye.

6. Habar wacadka reer hebel inuu hadayo weeyaan

7. Hillaacii u muuqdaba inuu u hinqan weeyaan

8. Goortuu hunguubana inuu hoogay oran weeye

9. Iimaanka haawaday inuu wax u helaa weeye.

10. Kuley hooyadiis tahay inuu iib ku holin weeye

11. Iyadoy haddiis tahay inuu hilib cunaa weeye.

12. Shiisheeya u gacan haadin jiray inuu hagaa weeye

13. Siirta haysan mahayee inuu hitiqaa weeye

14. Himadiisa oo idil inuu soor ku hago weeye.

15. Hambo cida u reebeen inuu hinifsadaa weeye

16. Cadaawaha hodaayana inuu la harsadaa weeye.

17. Markuu huluqa buuxsado inuu yara hurdaa weeye

18. Sidii bahal hamuun qaba inuu horartamaa weeye

19. Inuu shacabka kala haadiyo ku hirgisaa weeye

20. Hiif iyo dagaal iyo inuu haa ku jiro weeye

21. Hog inuu ku dhaco aakhirkiyo hoog-un suge weeye.
Cismaan Yuusuf Keenadiid wuxuu yidhi:-
HUNGURI WAA BALAAYOO

RAGBUU BOHOL KA TUURAAYE,

KAMA BAD-BAADO CEEBAHA,

NINKII BEESA RAAC AHUYE,

BAR-BARKA XURMADAA

IGALA WEYN ANIGA BUURTAASE.

Khalif Ashkir Diini
Madaxa rugta maskaxda
22/11/13

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com