Fadeexad+Daawo: Xasan Shiikh Oo Been Cad Sheegaya,Allow Hana Ceebeyn

0

XASAN-SH2Muqdisho(AGGM)Waxaa lasoo Bandhigay Muuqaal Horay Looga Duubay madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud Kaasi Oo Kamida Balan Qaadyadii Uu Horay Usameeyay.

Muuqaalkan oo Dhabar Jab ku Ah Madaxwayne Xasan Sheekh Ayaa wuxuu ku Sheegayaa  Inaysan Dhici Doonin Falkii uu Dhowaan ku kacay iyo Khilaaf Soo kala Dhex Gala madaxda Sare ee Dalka.

Khilaafkan Haatan Curyaamiyey Howlihii Dawlada    Ayaa waxaa Dhaliyey Madaxwaynaha Soomaaliya Kadib Markii uu Ka Biyo Diiday Golaha Wasiirada Cusub, Isagoona Taasi badalkeeda Saacid ku Amray Inuu Istaqaalad Keenyo,balse markii dambe ay kala kharaaratey biyaha Badda.

Bulshada Soomaaliyeed ayaa Quus Ka Taagan madaxda Soomaalida Kadib Markii Rajo Soo baxday Ay Bilaabaan Isqab qabsi Dhexdeedo  Ah, Taasi oo Sanadkaan loo Bixiyey (MASIIBO KURSI).

Ugu dambeyntii Xasan Shiikh oo ahaa nin ay go,an tahay wax u qabadka shacabka soomaaliyeed waxaa jaahwareer siyaasadeed oo culus ku riday koox ka tirsan Daamul jadiid oo dabinno hoose uga talaabsaday isla markaasna sababay in hadda xaalada dalku ku jiro burbur hor leh.

Halkan Ka Daawo

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com