Fadeexad: Koox Diimeedka Daamul Jadiid & Xildhibaano Lagu Been Abuurtey Oo Fooda Is Daraya

0

madaxweyneMuqdisho(AGGM) Hogaanka Kooxda Daamul Jadiid Xasan Shiikh Maxamuud ayaa la sheegayaa inay oo wajahday fadeexad baahsan oo ku aadan xildhibaano ka tirsan baarlamaanka soomaaliya oo magacyadooda lagu been abuurtey taasi oo u eg in Madaxweyne Xasan Shiikh oo ah masuul ugu sareya koox diimeedka Daamul Jadiid in dhaqaale badan loo cunay.

Liiska maanta golaha shacabka la horgeeyey ayaa la sheegay inuu ahaa mid been abuur ah isla markaasna markii gudoonka baarlaamanku uu ku dhawaaqay magacyada xildhibaanada mooshinka keenay ay sababtey inay qayliyaan xildhibaano magacyadoodu meesha ku jireen balse aan iyagu arrintaasi ka war haynin,waxaana halkaas ka dhashay muran iyo isjiid jiid.

Xildhibaanadn lagu been abuurtey oo tiradooda lagu sheegay 35 mudane ayaa daaha ka qaaday in mooshinkaasi uu sharci darro yahay isla markaasna aysan Raisalwasaaraha xukumadda soomaaliya aysan wax mooshin ah ka keenin isla markaasna liiska lagu buuxdsaday si loo cabsi galiyo raisalwasaraha iyo xulufadiisa.

Xildhibaanada ayaa daboolka ka qaaday inay maxkamad sare ee qaranka soomaliyeed la tiigsanayaan cidii ka masuul ka ahayd liiska been abuurka waxayna sheegeen in madaxweynaha soomaaliya uu masuuliyada ugu weyn u qaadi doono,waxaana ay sheegeen inaysan ka daba hari doonin talaabada qaladan ee sumcadooda lagu dilayo.

Sidoo kale waxaa lagu wadaa in maalinimadda sabtida ah dib laysugu soo noqdo iyadoo laga yaabo sida wararka qaarkood sheegayaan in gudoonka baarlamaanku uu laali doono mooshinka ka dhanka ah raisalwasaaraha taasi oo dhabar jab iyo niyad jab ku ah koox diimeedka Daamul Jadiid.

Ugu dambeyntii koox dimeedka Daamul Jadiid waxaa soo wajahay fadeexado badan oo ay u horeyso Laalush iyo musuuq maasuq baahsan oo lagu soo eedeyey iyo beesha caalamka oo ka soo horjeesatey siyaasada qaldan ee ay dalka soomaaliya ku maamulayaan,waxaana la sheegaya in arrintaasi tagi doonto in lagu   kala dareeriyo dawlada hadda jirta maanta ay ku fashilantey arrimaha siyaasadeed ee dalka soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com