Dowladda Kenya Oo Hay’adaha Caalamiga Ah Ka Dalbatay Dib U Celinta Qaxootiga Soomaalida.

0

Interior-Cabinet-Secretary-Joseph-ole-LenkuNairobi (AGGM): Wasiirka wasaarada arimaha gudaha Kenya Joseph ole Lenku ayaa ka dalbaday hay’adaha caalamiga inay isku diyaariyaan sidii adeegyadooda ay ugu sameyn lahaayeen qaxootiga la doonayo inay dib ugu soo laabtaan dalkooda bilowga bisha Janaayo ee sanadka soo socda ee 2014.

“Ururada aan dowliga aheyn ee ka shaqeeya xerada qaxootiga ee Dhadhaab waa in adeegyadooda ay u wareejiyaan Soomaaliya si ay u sahlanaato dib u celinta qaxootiga Soomaaliyeed”sidaasi waxaa yiri Ole Lenku xili uu ku sugnaa xerada ugu weyn dunida oo qaxooti ay ku nool yihiin ee Dhadhaab.

Hadalka wasiirka arimaha gudaha Kenya ayaa yimid markii dowladaha Kenya Soomaaliya iyo UNHCR ay kala saxiixdeen hishiis dhigaya dib usoo celinta qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan dalkaasi.

Wasiirka arimaha gudaha ee dalka Kenya ayaa sidoo kale sheegay in dib usoo celinta ee muddo ka badan 20 sano ku noolaa dalkaasi ay tahay mid mari doontaa wadadii lagu hishiiyay.

“Ma badali doono qorshaheena,mana jiro doonto dib usoo laabasho, waa waqtigii la dhihi lahaa nabad galyo waxaana idiin rajaynayaa in si wanaagsan aad dib ugu laaban doontaan, baxa oo caawiyo dib u dhiska dalkiina”ayuu hadalkiisa kusii daray Ole Lenku.

Ole lenku oo la hadlayay qaar kamid ah hogaamiyaasha deegaanka iyo saraakiisha UNHCR ayaa sheegay inaysan suurto gal aheyn joojinta qorshaha dib u celinta qaxootiga Soomaaliyeed, sida uu hadalka u dhigay.

Dalka ku yaala bariga qaarada Africa ee Kenya ayaa martigeliyay 500,000 oo qaxooti Soomaaliyeed, kuwaasi oo badankood ku sugan xerada Dhadhaab ee dalka Kenya, oo ku yaala waqooyi bari dalka Kenya.

Ururo caalami ah oo ay kamid yihiin NRC iyo IRC ayaa ugu baaqay labada dowlada ee Kenya iyo Soomaaliya inay ka taxadaraan dib u celinta qaxootiga badan ee ku sugan xeryaha dalka Kenya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com